4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2013
Toddoba ruux oo ku dhintay Qarax ka dhacay biibito shaaha laga cabo oo ku Taalla Degmada Wanlaweyn

Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay qarax weyn oo ka dhacay shalay biibito shaaha laga cabo oo ku taalla degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose, kaasoo dowladdu ay ku eedeysay inay ka dambeysay Al-shabaab.

Inta la hubo waxaa qaraxan ku dhintay ayaa waxay isugu jireen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah, waxanaa ku dhaawacmay 12-qof oo kale oo u badan ciidamada dowladda.

“Qaraxa waxaa ku dhintay toddoba qof oo isugu jira shacab iyo askarta dowladda Soomaaliya, 12-qof oo kalena six un ayay ugu dhaawacmeen,” ayuu yiri Aadan Coloow oo ka mid ah dadka ku nool degmada Wanlaweyn.

Degmada Wanlaweyn oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellada hoose oo ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya ayaa waxayna 90-km dhinaca galbeed kaga began tahay magaalada Muqdisho.

“Waxaa ka mid ahaa dadka ku dhintay qaraxa gabadhii shaaha iibinaysay. Anigu waxaan u socday biibitada si aan shaah uga soo cabo, balse intii aan gaarin ayuu qaraxu dhacay. Dadka wax ku noqday intooda badan waxay ahaayeen shacab,” ayuu goobjooguhu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan sababta keentay qaraxa.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn walaxda qaraxa sameysay ayaa haddana waxay wararku sheegayaa inuu ahaa miino halkaas lagu sii qariyay, iyadoo qaraxan uu noqonayo kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca degmadaas tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya