4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2013
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Muujiyay Walaacooda ku aadan Xaaladda Amni ee ka tagaan Jubbooyinka


Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Kulana ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku yeesheen xaruntooda 13-kii bishan Juun ayay kaga hadleen xiisadaha ka taagan gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Golaha amaanka ayaa lagu dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Jubbooyinka taasoo uu kulanka ka jeediyay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Tayé-Brooke Zerihoun, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin xiisadaha halkaas ka taagan.

Xubnuhu ayaa sheegay in shacabka ku nool Jubbooyinka ay lasoo daristay xaalad aad u daran oo dhinaca bani’aadamnimada ah. Waxayna dhinacyada isku haya Jubbooyinka ugu baaqeen inaysan qaadin wax tallaabo ah oo ku keeni karta Jubbooyinka ammaan-darro. Iyagoo dowladda Soomaaliyana ugu baaqay inay qaaddo tallaabo walba oo ku xallin karto xiisadaha ka taagan Jubooyinka.

Sidoo kale, xubnaha golaha ammaanka ee 15-ka ah waxay sheegeen inay ka taageerayaan dowladda Soomaaliya hannaan kasta oo lagu horumarinayo dhismaha maamul goboleedyada dalka iyadoo la xushmeynayo madax-bannaanida iyo xuduudaha Soomaaliya.

Goluhu wuxuu sheegay inay sidoo kale taageerayaan go’aannadii IGAD ka soo baxay 24-kii bishii May oo lagu go’aamiyay in dowladda Soomaaliya ay qabato shir la isugu keenayo dhammaan bulshooyinka kasoo Jubbooyinka si ay uga doodaan mustaqbalka aayaha gobolladooda.

Dhanka kale, golaha ammaanka ayaa waxay ugu baaqeen madaxa xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, Nicholas Kay inuu ka shaqeeyo sidii xal waara loogu gaari lahaa xiisadaha ka taagan Jubbooyinka.

Waxay kaloo goluhu ka dhigeen in xiisadaha ka taagan Jubbooyinka aysan u siin fursad Al-shabaab inay carqalado kale ka abuurt, iyadoo deegaanno ka mid ah gobolka Jubbada Hoose oo ay Kismaayo ku jirto horay looga saaray.

Ugu dambeyn, xubnaha golaha ammaanka waxay hoosta ka xariiqeen inay la xaqiijiyo sidii ay u shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen ammaan iyo nabadgalyo buuxda, khilaaf walba oo jirana lagu dhameeyo xal nabadeed.

Ciidamada AMSIOM ayay ugu baaqeen inay ka fogaadaan inay wax gacan ah siiyaan dhinacyada isku haya gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya