4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 12, 2013
Dagaalyahanada Ururka Al-shabaab oo Xalay Weerar ku qaaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Arbaco, Juun 12, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe abbaare 11:00 habeenimo waxay weerar ku qaadeen degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Weerarkan ayaa ka dhacay xaafadda cunaaye oo ka mid ah xafadaha ay ka kooban tahay degmada Baydhabo halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidammo isugu jira kuwo madani ah iyo kuwa booliiska Soomaaliya oo ku sugnaa saldhigga degmadaas.

Dagaalka ayaa wuxuu socday muddo saacad ah iyadoo magaalada oo dhan laga maqlay daryanka hubka ay labada dhinc is-dhaafsanayeen, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex qof oo dhaawacyadoodu ay yihiin kuwo halis ah , waxaana jira dhimasho aan la xaqiijin tiradeeda.

Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay horraantii sannadkii 2012 kala wareegeen Al-shabaab oo muddo saddex sano ah ka talinaysay.

Tan iyo xilligaas ayaa waxaa Al-shabaab ay weerarro qorsheysan la bartil-maameedsanaysay degmada Baydhabo, iyadoo dhowr jeer oo horena ka geysatay degmadaas qaraxyo ay dad shacab ah wax ku noqdeen.

Ma jiro mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo oo ka hadlay weerarkii ay Al-shabaab xalay kusoo qaadday degmadaas, balse Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerar qorsheysan ku qaaday Baydhabo xalay.

Hiiraan Online, Baydhabo