4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Kulan looga Hadlay Wacyigelinta iyo Horumarinta Waxbarashada haweenka oo Muqdisho lagu Qabtay (SAWIRRO)


Sabti, Juun 01, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay wacyi-gelinta haweenka iyo horumarinta waxbarashada gabadha Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ee xukuumada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha aan dowliga ahayn ee dalka ka jira, iyadoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan waaxyaha wasaaradda, haween ka kala socday gobollada Banaadir, labada Shabeelle iyo ururrada bulshada rayidka.

Agaasimaha arrimaha bulshada iyo horurimarinta haweenka ee wasaaradda adeegga bulshada, Maxamed Cumar oo kulanka hadlay ayaa sheegay inay wasaaraddu waddo qorshayaal kala duwan oo haweenka lagu horumarinayo.

“Dowladdu waxay diyaar u tahay inay waxbarashada haweenka kor u qaaddo iyadoo laga duulayo hadalkii wasiiradda wasaaradda horumarinta adeegaa bulshada, Maryan Qaasim ee ahaa in qof kasta uu helo waxbarasho tayo leh, gaar ahaan haweenka iyo caruurta,” ayuu yiri Maxamed Cumar.

Sidoo kale, agaasimaha wacyi-gelinta iyo abaabulka ee wasaaradda, Cadar Cali oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inuu jiro abaabul  ku saabsan dib u howlgelinta dugsiyada ay wax ku bartaan haweenka si kor loogu qaado aqoontooda.

Qaar ka mid ah haweenkii kulanka kasoo qaybgalayee ka socday ururrada bulshada rayidka iyo gobollada dalka qaarkood oo halkaas ka hadlay ayaa talooyin ka dhiibtay horumarinta waxbarashada haweenka, iyagoo xusay in ay ka warqabaan awoodda dowladdu inay tahay mid yar hase ahaatee la doonayo inay dadaal badan muujiso.

Wasaaradda horumarinta adeega bulshada ayaa dhawaan ku dhowaaqday qorshe ay iska kaashanayaan iyada iyo qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, kaasoo la doonayo in waxbarasho bilaash ah loogu abuuro caruur gaareysa hal milyan oo ku nool guud ahaan Soomaaliya.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya