4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Dadka ku Dhaqan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan oo ugu diyaar garoobaya bisha barakeysan ee Ramadaan

Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Marka aad dhaxmarto ama booqato goobaha ganacsiga magaalada Baladweyne waxaa arkeysaa diyaar-garoow baaxad leh oo ay dadku ugu jiraan bilishada bisha barkeysan ee Ramadaan oo maalin uu inaga xigto.

Gaar ahaan marka aad eegto goobaha lagu iibayo noocyada kala duwan ee raashinka ayaa lagu arkayaa dad ku mashuulsan in ay iibsadaan raashinka ay ugu talagaleen in ay isticmaalaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, halka sidoo kale mashuul kaa la mid ah uu ka jiro goobaha lagu iibiyo waxyaabaha mamacaanka ah sida Timirta oo siweyn loo isticmaalo bisha Ramadaan.

''Labadii cisho ee la soo dhaafay aad ayaan mashuul u aheyn, dadku waxaa ay iibsanayaan dhamaan wixii ay u baahnayeen in ay isticmaalaan bisha Radamaan, hadda goobaha ugu mashquulka badan Bakhaarada lagu iibiyo raashinka,'' ayuu yiri Max'ed C/llaahi Xusseen oo ka mid ah ganacsatada magaalada Baladweyne.

Guud ahaan marka aad eegto magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka jira mashquul iyo ciriiri kuu muujinaya sida dadka ku dhaqan magaalada ugu sii diyaar-garoobayaan bilishada bisha Ramadaan.

Laakiin marka laga soo tago qoysaska awooda u leh in ay iibsadaan dhamaan wax yaabaha ay u baahan yihiin in ay isticmaalaan inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan, ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira qoysas aan awoodin in ay helaan wax ay ku Soomaan sababo la xiriira daruufo dhinaca nolasha ah ee la soo darsay.

Qoysaskan oo u badan kuwa jira xeryaha barakacayasha magaalada Baladweyne ayaa ka codsanaya Hay'adda samafalka, maamulka gobolka iyo Jaaliyadaha dibada in la soo caawiyo si ay awood badan ugu yeeshaan gudashada waajibaadka bisha Radamaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya