4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2013
Shirkadda diyaaradaha Air Uganda oo Maanta si rasmi duulimaadyo calaami ah uga billowday Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)



Isniin, July 08, 2013(HOL) :- Shirkadda diyaaradaha Air Uganda ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeeyay ku tagtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoona shirkaddu ay sheegtay in ay bilaabi doonto duulimaadyo ay isbuucii sedex mar ku tagi doonto magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Munaasibad lagu daahfurayay safarkii ugu horeeyay ee shirkadda Air Uganda ay ku timid magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana munaasibadaasi ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin wasiirka warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka  C/laahi Ciilmooge Xirsi iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Max’uud Axmed Nuur (Tarsan).

Safiirka dalka Uganda u fadhiyo Soomaaliya Ambassador Nathing Mugisha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in duulimaadka ay shirkadda Air Uganda ka bilowday Muqdisho ay sare u qaadi doonto wadashaqeynta dalalka Soomaaliya iyo Uganda isagoona xusay in sidoo kale ay ka qeybqaadan doonto horumarka iyo ganacsiga Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur (Tarsan) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay dhamaatay dhibaatooyinkii ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmi jireen duulimaadyada oo mararka qaar wadamo kale transit ay kusii mari jireen, wuxuuna xusay in safarka ay shirkadda ku timid Muqdisho in ay tahay tallaabo dhanka horumarka loo qaaday.

 Ugu danbeyn waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi, wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweeyneeyso safarrada ay shirkadda Air Uganda ka bilowday Soomaaliya, wuxuuna xusay in arintani ay muujineeyso horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameeysay dhinacyada ammaanka.

Duulimaadka shirkadda Air Uganda ayaa imanaya  iyadoona shirkadda Turkisha Airways ay sanadii aynu kasoo gudubnay safarro ka bilowday magaalada Muqdisho, iyadoona shirkadda Turkisha Airways ay ahayd tii ugu horeysay oo caalami ah oo duulimaadyo ka bilowda Soomaaliya tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya