4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Cillad la soo Daristay Diyaarad Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi la socday ka qaadday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Diyaarad saakay ka qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa lasoo daristay cillad iyadoo dib loogu soo celiyay Muqdisho.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka mid ahaa wafdiga uu hoggaaminayay madaxweynaha ayaa sheegtay markii ay dib ugu soo laabatay diyaaraddu garoonka aya sheegay in markii diyaaraddu socotay 25-daqiiqo uu duuliyuhu ku wargeliyay in mid  ka mid ah matooyada diyaaradda ay cilladi gashay lana damiyay.

“Sagaalkii subaxnimo ee saaka waqtiga Muqdisho ayaa diyaarad siday wafdi uu hoggaaminayaymadaxweynaha Soomaaliy ay ka duushay Muqdihso. 25-daqiiqo markii ay hawada ku jirtay ayaa kabtanka diyaaraddu ku wargeliyay wafdiga inay jirto cilad hal matoor oo ay damiyeen, ay go’aamiyeen ayna dib ugu laabanayaan Muqdisho. Abaarihii 10:00 subaxnimo ayay diyaaraddu dib ugu soo laabatay Muqdisho iyadoo badqabta,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Inj. Yariisoow wuxuu hadalkiisa ku daray in wafdiga ay sii wadan doonaan safarkooda ay ku aadayaan Koonfurta Suudaan, halkaasoo madaxweynuhu uu ka helay casuumaad rasmi ah, uuna kaga qaybgalayo sannad-guuradii labaad ee xorriyadda dalkaas.

“Runtii waxaan u mahad-celinaynaa duuliyaha diyaaradda oo muhiimadda koowaad siiyay in madaxweynaha Soomaaliya la badbaadiyo, madaxweynaha iyo xubnihii la socday oo dhanna waxay garoonka Muqdisho kusoo laabteen iyagoo bad-qaba,” ayuu Inj. Yariisow hadalkiisa raaciyay.

Goobjoogayaal ku sugnaa garoonka diyaaradaha Muqdihso ayaa sheegay in ay arkeen diyaaradda oo qaybta dambe ka ololaysa, iyadoo wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya ay si hal-haleel ah uga soo dageen.

Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa mar kale ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo raacay diyaarad kale, waxaana cilladdan ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo lasoo darista diyaarad sidda madaxweyne Soomaaliyeed oo ka dhooftay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya