4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Kooxo hubeysan Caawa Fiidkii ku toogtay Magaalada Gaalkacyo mid ka mid ah Wariyeyaasha ka Howlgala Gobolka Mudug

Axad, July 07, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa toogasho ku dilay caawa fiidkii wariye ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaaladaas, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

Wariyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Liibaan C/llaahi Faarax (Liibaan Qaran) ayaa ka howlgalayay telefishinka Kalsan, isagoo horay uga soo kala shaqeeyay idaacadaha SBC iyo Radio Gaalkacyo oo ka jira deegaannada Puntland ay ka taliso.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay oo dhowr qof ahaa ay markiiba goobta ka baxsadeen, iyadoo wariyaha uu ku geeriyooday goobtii lagu togtay.

“Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa dilay wariye Liibaan Qaran, waxayna ka baxsadeen goobta markii ay dilkiisa fuliyeen,” ayuu yiri goobjoog ka mid ahaa dadkii ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka wariyaha, sidoo klaena lama oga koox ay ka tirsanaayeen, waxaana Allaha u naxariisteen wariye Liibaan Qaran uu noqonayaa wariyihii ugu horreeyay sannadkan lagu dilo deegaannada Puntland.

Sidoo kale, wuxuu noqonayaa wariyihii afaraad oo labadii sano ee lasoo dhaafay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Puntland oo ay ka kala taliyaan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dilka wariyahan ayaa wuxuu ka dhigayaa afar wariyeyaashii sannadkan oo keliya lagu dilay dalka Soomaaliya, waxaana tani ay mar kale caqabad weyn ku noqonaysaa wariyeyaasha ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamullada Puntland iyo Galmudug ayaan weli ka hadlin dilka caawa loogu geystay magaalada Gaalkacyo wariyahan oo muddo 11-sano ah kusoo jiray howlaha warfaafinta Soomaaliya.

Sannadkii hore ayaa waxaa Soomaaliya lagu dilay 18-wariye iyadoo Somalia lagu tiro dalalka ugu badan ee wariyeyaasha lagu beegsado, waxaana sidoo kale lagu sheegayaa inay tahay meesha ugu daran adduunka ee ay ka howl-galaan suxufiyiinta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya