4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Bannaanbax lagu Dalbanayay in Sheekh Xasan Daahir Aweys Cadaaladda la Horkeeno oo ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, July 07, 2013 (HOL) — Dibadbaxayaal haween u badan ayaa maanta ka dhigay Muqdisho bannaanbax ay ku dalabnayeen in dowladda Soomaaliya ay maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxayna dadkan wateen boorar ay ku qoran yihiin inuu yahay gacan-ku-dhiigle dad badan dilay.

Boorarka ay wateen dibadbaxyaasha ayaa waxaa ku qornaa erayo ay ka mid ahaayeen: “Sheekh Xasan Daahir wuxuu dilay walaalkey iyo gabadhaheenna waana in la horkeeno cadaaladda” iyo erayo kale oo fara badan.

Inkastoo dibadbaxayaashu ay ahaayeen kuwo kooban ayaan haddana waxaa la ogeyn cidda soo abaabushay, waxaana uu u muuqday mid jawaab u ahaa dibadbax ka dhacay Muqdisho todobaadkii hore kaasoo looga soo horjeeday xarigiisa.

“Xasan Daahir waa gacan ku dhiigle wuxuuna ka dambeeyay dad badan oo lagu dilay Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan. Dowladda ayaan ka dalbanaynaa inay cadaaladda horkeeno si sharciga loo marsiiyo,” ayay u sheegtay warbaahinta haweeney waayeel ah oo ka mid ahayd dadkii dibad-baxa ka qaybqaadanayay.

Sidoo kale, haween kale oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay yiraahdeen: "Soomaaliya waxay u baahan tahay cadaalad maxkamadeed, waxaana ku talinaynaa in qabiilka laga gudbo oo loo gudbo Qarannimo, ruux dambiile ahna aan la qarin.”

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ku haysta toddobaadkii labaad Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno la socday oo toddobaadyo ka hor kasoo goostay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Dowlada waxaan si naxariis leh uga codsanaynaa inay wadaadkan sida ugu dhaqsiyaha badan ku horkeento maxkamad, waayo waa gacan ku dhiigle ka mid ahaa Al-shabaab; dadkii uu eheladooda laayay waxay doonayaan inay arkaan isagoo sharciga la mariyay,” ayay ku qaylinayeen haweenkan maanta dibadbaxa ka dhigay Muqdisho.

Bannaanabxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in Sheekh Xasan Daahir ay su’aalo weydiinayaan qaar ka mid ah hay’adaha cadaalada dalka, isla markaana laga warsugayo wixii ay kasoo saaraan arrinkiisa.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya