4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo sheegay in Shiikh Xasan Daahir uu ku jiro Gacanta Dowladda uuna Caafimaad qabo


Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay xaaladda Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inuu ku jiro gacanta dowladda Soomaaliya uuna caafimaad qabo, isagoo wax aan jirin ku tilmaamay wararka sheegaya in lagu wareejiyay dad ajnabi ah.

Wasiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay is-qabqasi iyo muran garoonka weyn ee Muqdisho ka dhacay habeenkii laga soo dajiyay Xasan Daahir isagoo ku tilmaamay inaysan ahayn arrin lagu talo-galay, ayna ka xun yihiin dadkii ku waxyeeloobay.

"Sheekh Xasan Daahir hadda gacanta dowladda ayuu ku jiraa, meel nabad ah oo hagaagsan oo dhibaato aan lahayn ayuu joogaa, ajnabi ma haayo, ma qaadan, mana qaadan doono Insha Allah. Waxaan dadka ugu baaqaynaa in ay is-dejiyaan," ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Mar uu wasiirku ka hadlay xaaladda caafimaad ee Sheekh Xasan Daahir ayuu sheegay inuu caafimaad qabo ayna u geeyeen dhakhaatiir ajnabi ah ayna arkeen xaaladdisa, uuna aad u caafimaad qabo hadda.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay jiraan dad doonaya inay bulshada kiciiyaan oo hadallo aan wanaagsanayn magaalada wareejinaya, isagoo ugu baaqay inay ka digtoonaadaan wararka ay baahinayaan oo ku tilmaamay kuwo liddi ku ah amniga, xasilloonida iyo dowladnimada dalka.

"Maalmahan waxaa magaalada qasaya dad war-xumo-tashiil ah oo dadka inay kiciyaan doonaya, arrintaasna waa arrin nabada iyo xasiloonnida kasoo horjeedda, dadka waxaa rabnaa inay is-dejiyaan, wax dhibaatana ahna ma jirto, in nabada wax loo dhimo ma wanaagsana, waxaana doonaynaa inaan nabad-darro la abuurin,” ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay.

Isagoo ka hadlayay dhacadii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa yiri: "Arrimihii habeen saddexaad dhacay ma ahayn kuwo lagu talo-galay waana ka xunnahay akhayaartii ay dhibaatadu kasoo gaartay, arrin la qorsheeyay ma ahayn, balse waxay ahayd mid si lama filaan ah u dhacday.”

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu ku baaqay in shacabku ay qayb ka qaataan sugidda ammaanka, isagoo xusay in qof walba oo Al-shabaab kasoo goosta ay soo dhaweynayaan, dowladdu ay diyaar u tahay inay nabaddiisa sugto.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka uu kaga hadlay xaaladda caafimaad ee Sheekh Xasan Daahir iyo halka uu ku sugan yahay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shalay uu Muqdisho ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya