4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo kulan Gar-naqsi ah isugu keenay Golaha is-diiddan ee Deegaanka Saylac

Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa la filayo inuu maanta uu soo xiro wada-hadal afarta maalmood qaatay oo uu ku joogo degmadda Saylac ee gobolka Salal kaddib markii lagu heshiin waayay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee halkaas ka dhashay sannadkii hore.

Ilo xog-ogaal ah ayaa laga soo xigtay inuu wasiirku isku keenay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaankaas, kuwaasoo isku maan-dhaafay doorashooyinkii dhacday, taasoo keentay isbedel ku yimaadda maamulka degmadaas muddo sannado badan laga joogo.

Wasiirka ayaa labadii maalmood ee ugu dambaysay kulammo kala gooni-gooni ah la lahaa odayaasha iyo waxgaradka beelaha cabashooyinka ka muujiyey doorashada golaha deegaanka ee degmadaas iyo wax-garadka beelaha aqlabiyadda xildhibaannada golahaasi ku qabsaday maamulka, iyadoo wasiirku uu dhinac walba ka dhegeystay aragtiyada shakiga iyo dareennada dhaliyay muranka, iyadoo dhinac kasta wasiirka la galay dood-adag iyo garnaqsi aan waxba ka beddelin geeddi-socodka dimuqraadiyadda, natiijada doorashooyinkii dhacay iyo doorashada maamulka golahaas.

Wasiirka gudaha ayaa gebo-gebadii socdaalkiisa fadhi qodax badan leh isugu keenay dhammaan xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada Saylac, taasoo ka dambeysay amar uu faray barasaabka gobolku inuu keeno toddoba xubnood oo iyagu qaadacay golahaasi intii muranku socday, iyadoo lagu guuleystay la keeno shan ka mid ah xildhibaannadaas, balse laba ka mid ah aanay ka muuqan fadhiga.

Kulankan oo ah kii ugu dambeeyay uguna adkaa ee wasiirku isugu keeno dhinacyada uu muranku u dhexeeyo ayaa qaatay ku dhawaad toddoba saacadood, balse waxaan weli la ogeyn waxa uu kulankaas kusoo dhammaaday.

Ugu dambeyn, xildhibaannada laga soo doortay deegaankaas ee aan is-arkin intii ay degaankaas ka jireen cabashooyin iyo tabashooyin ka dhaliyay dibad-baxyo ay dad ku dhinteen iyo khasaare soo gaadha hantida dawladda ee taalla degmadaas ayaa la filayaa inuu albaabbada u furo maamulka degmadaas.

Gebogebadii kulanka ayaa la sheegayaa in wasiirku 13 xildhibaan oo ka mid ah 17-ka xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay u jeediyey hadallo isugu jira waano, dardaaran iyo digniin, isagoo dhammaan xildhibaannada halkaas isugu yimi ka dalbaday inay ilaaliyaan amniga dalka, kana wada-shaqeeyaan horumarka deegaanka, wixii hadda ka hor dhacayna aan dib loo eegin, dhinaca kale wasiirku wuxuu digniin adag u jeediyey cid kastoo isku dayda inay soohdinta labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland iyo Saylacba ay ka abuurto khalkhal dhinaca amniga ah, taasoo uu sheegay inay xukuumaddu tallaabo adag ka qaadi doonto ciddii isku dayda dhinac kastaba ha ahaatee.

Wasiirka ayaa horay kulammo kala duwan oo ku saabsan adkaynta amniga la yeeshay ciidamada amniga Saylac ,kuna wargeliyey sida la sheegeyo inay feejignaadaan una diyaar-garoobaan wax kasta oo nabadgelyada liddi ku ah maadaama meeshaasi tahay meel soohdin ah.

Khadra Xasan Maax, Hiiraan Online
 [email protected]
Boorame, Somaliland