4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2013
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo kulan Casho sharaf ah la qaatay Saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda

Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan casho sharaf ah oo looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka dalka isugu yeeray saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxa kasoo qeygalay gudoomiyaha baarlamankaa ahna kusimaha madaxweeynaha mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, wasiirka arimaha gudaha, gudoomiyaha maxkamadda sare, taliyeyaasha ciidamada booliska, nabadsugidda iyo Militariga, sidoo kale waxa kasoo qeybgalay saraakiil kala duwan oo katirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Kulankani ayaa ahaa mid looga dooday xaaladda ammaan ee dalka iyo weliba sidii laamaha ammaanka ay u laba jibaari lahaayeen dadaallada ay ugu jiraan xaqiijinta ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo weliba gobollada kale ee dalka Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankani uu mid lagu dardargelinayo howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo ee k a soconaya magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.

“Caawa oo jimce ah waxaan kulan kooban ku yeelannay halkan, si aan u kulano ugana sheekeysanno umuuraha ammaanka oo runtii markasta mudnaan hore u leh xukuumaddayada, waxaan halkan kulannay  gudoomiyihii baarlamaanka, gudoomiyihii maxkamadda sare iyo dhamaan dadkii activeka ka ahaa umuuraha ammaanka,” ayuu yiri ra’isul wasaaraha.

Sidoo kale masuulkani ayaa sheegay in inta badan dadka ay isugu danbeeyaan xilliyada habeenkii oo waqtiga intiisa badan ay qaataan in ay yihiin ciidamada ku howlan sugidda amniga magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in kulamadani looga gun leeyahay in lagu dhiirigeliyo laamaha ammaanka si ay u sii laba jibaaraan dadaalkooda dhanka sugidda amniga.

Maalmihii ugu danbeeyay ciidamada nabadsugidda, kuwa Booliska iyo militariga oo iskaashanaya ayaa degmooyinka kala duwan ee gobolka banaadir waxa ay ka wadeen howlgallado ballaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu kusoo qabqabteen kumannaa qof oo qaar badan oo kamid ah looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya