4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Ururka Midowga Afrika oo Tababar la xiriira Dhowrista Xuquuqda Aadanaha u furay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Somalia

Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa Arbacadii shalay tababar socon doonta saddex maalmood oo ku saabsan dhowrista xuquuqda aadanaha u furay 32 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Afhayeenka Midowga Afirka u qaabilsan howlgalka AMISOM, Eloi Yao ayaa ku sheegay tababarkan oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda in uu yahay mid lagu barayo ciidamada Soomaaliya xeerarka calaamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

“Tababarkan waa mid lagu dhisayo aqoonta ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhinaca sharciyada caalamiga ah ee dhowrista xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri Yoa oo sheegay in tababarkan uu furay wasiir u dowlaha xiriirka caalamiga ah iyo gobollada ee dalka Uganda, Asuman Kiyingi.

Wasiir u dowlaha ayaa isaguna yiri: “Tababarkan waa mid horay ay u soo qaateen dalal ay ka mid yihiin: Uganda, Burundi, Koonfur Afrika iyo kuwo kale si loo xaqiijiyo anshaxa ciidamada, waana mid qayb ka ah howlala lagu doonayo in lagu soo celiyo deggenaashaha Soomaaliya.”

Guddoomiyaha guddiga arrimaha siyaasadda ee Midowga Afrika, Caa’isha Cabdullaahi oo iyaduna furitaankii tababarka ka hadashay ayaa hoosta ka xariiqday in heshiiskii Geneva ee 1949-kii iyo kii kale ee 1977-kii lagu go’aamiyay in ciidamada la baro farsamooyin lagu ilaaliyo xuquuqda dadka.

“Waxaan rajeynayaa in tababarkan ay ka kororsan doonaan saraakiishu sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen sharciyada caalamiga ah ee dhorista xuquuqda bani’aadamka,” ayay tiri Caa’isha.

Tababarkan ayaa marka lasoo gabagabeeyo waxaa lagu bari doonaan ciidamada sidii ay u ilaalin lahaayeen shacabka marka ay howlgallada sameynayaan iyo sidoo kale sidii ay shacabkooda u difaaci lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya