4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2013
Kulan Looga Hadlayo Barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) oo Maanta ka Furmay Magaalada Gaalkacayo [SAWIRRO]


Talaado, August 20, 2013 (HOL) —Kulankan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ah mid looga wada tashanayo ka qaybgalka Soomaaliya ee shirka New Deal (Hiigsiga Cusub) kaasoo bisha soo socota ee September ka dhici doona caasimadda Biljamka ee Brussels. Kulanka waxaa si wada jir ah u furay wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim iyo madaxweynaha maamul goboleedka Gal-mudug, Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

Waxaa sidoo kale shirka kasoo qayb galay dhammaan ururada bulshada rayidka ah iyo dadweyne isugu jiray odayaal dhaqameed, dhallinyaro, haween iyo  ardayda jamaacadaha. Ka qayb galayaasha kulanka ayaa ka doodey doorka kaga aaddan shirka Brussels ee dhici doona bartamaha bisha September si ay ugu biiriyaan talooyin ayna u dhegeystaan dowladda federaalka Soomaaliya oo beryahaan wadday la tashiyo ku aaddan shirkaas si looga wada qayb qaato ajendaha ay Soomaaliya shirkaas la tegeyso.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa ka warbixiay argtida fog ee ay dowladdu ka leedahay qorsha hiigsiga cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya.

“Shirka Brussels ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorshaha dowaldda ee ku aaddan shirkaas oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka, waana qorshe soconaya muddo saddex sano ah, nidaamkan waa hab dhaqan cusub ah oo ka dhaqan galay waddamada kasoo kabanaya colaadaha sida dalka Soomaaliya oo kale. Waxaa laga hirgaliyay markii ugu horreysay toddoba dal, iyadoo iminka ay ka faa’iideysanayaan sagaal iyo toban dal oo ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo furitaankii kulankan ka hadlay.

Madaxweynaha Gal-mudug oo isna hadlay ayaa wuxuu sheegay inaysan suurogal ahayn in la hirgeliyo nidaamka hiigsiga cusub ( New Deal) haddii caalamku aysan qaadan kaalintooda kaga aaddan dib-u-dhiska iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.

“Waxaa fure u ah hirgalinta New Deal xoojinta ammaanka iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in lagu baraarugsanaado had iyo jeer, waxayna mas’uuuliyadeedu saaran tahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa taas xiga in la helo dhaqaale lagu sugo ammaanka, laguna taageero maamullada gobollada, xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta dadka wada-dagta gobollada dalka,” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

Barnaamijka New Deal ayaa ah mid dhaqaale loogu raadiyo dalalka kasoo kabanaya colaadaha sokeeye, sanadkanna waxaa diiradda si weyn loogu saari doonaa Soomaaliya oo xilligan yeelatay dowlad rasmi ah caalamkuna uu aqonsan yahay.





 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya