4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2013
Al-shabaab oo ka hadlay xiisadaha ka taagan dalka Masar, cambaareynna u jeediyey Milateriga hoggaanka dalkaas haya

Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa ka hadashay markii ugu horreysay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Masar. Xaaladda dalka Masar ayaa ahayd mid kacsan laga soo bilaabo markii militariga dalkaasi ay xukunka ka tuureen madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Muxamad Mursi.

Barta ay kooxda Al-shabaab ku leedahay Twitter-ka ayay ku shaacisay in ciidamada militariga ah ee dalka Masar ay afgambi ku qabsadeen dalkaas. Fariinta lagu baahiyey bogga Twitter-ka ee Al-shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in militariga Masar ay xasuuq u geysteen dadka kasoo horjeeda afgembiga militariga.

“Xasuuqa ay milaterigu u geysteen dadka shacabka dalkaas waxay caddeyn u tahay in ficil ahaan iyo dhaqan ahaanba ay u dhaqmayaan sidii ciidammo cadow ku ah dadkooda,” ayaa lagu yiri warka ay Al-shabaab soo saartay.

Tallaabooyinka ay qaateen ciidamada Masar ayay ku sheegtay inay daaha ka rogeen go’aankoodii hore oo ahaa inay laayaan dadka muslimiinta ah, iyadoo sheegtay in ficillada xasuuqa ay yihiin kuwo horay ay ugu kici jireen ciidanka dalkaas.

“Hubka ay haystaan ciidamada Masar kulam dagaalami yaqaaniin Yuhuudda iyo kuwa la mid ah ee doonaya inay dhulalka muslimiinta qabsadaan, balse waxay ku xasuuqayaan oo keliya muliminta dalkaas ku nool, si ah sanka uga geliyaan xukunooda kali-talisnimada ah,“ ayay ku tiri Al-shabaab warka ay soo dhigeen bartooda.

Dhanka kale, waxay talooyin u jeediyeen ururka Ikhwaanul Muslimiinka ah ee kasoo horjeeda in xukunka laga tuuro madaxweynihii ay shacabku soo doorteen Maxamed Mursi, iyagoo ugu baaqay inay ka haraan dimuqraadiyad aan natiijo lahayn.

“Ururka Ikhwaanul Muslimiin waxaan ugu baaqaynaa inaysan shacabka ku baabi’in dimuqraadiyad aan natiijo lahayn, iska ilooba dimuquraadiyadda… hubka qaata naftiinana ka difaaca kuwa si arxan-darrada ah shacabkiinna u gudmaadaya,” ayay Al-shabaab mar kale tiri.

Ugu dambeyn, waxay qoraalkooda ku sheegeen inaysan joojin dibadbaxyada ay kaga horjeedaan xukun-maroorsiga milateriga ayna iska difaacaan kuwa doonaya inay baabi’iyaan oo ay ku sheegeen inay la mid yihiin ciidamada Yuhuudda.

Dalka Masar ayaa waxaa muddooyinkii dabe ka socday dibadbaxyo ay ka dhigayaan waddooyinka dalkaas taageerayaashii Maxamed Mursi, kuwaasoo ka dalbanaya milateriga inay xukunka kusoo celiyaan, balse ciidamada ayaa go’aan ku gaaray inay dadkaas ka hortagaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya