4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Kooxo Hubeysan oo Xalay ku Toogtay Bartamaha Magaalada Baydhabo mid ka mid ah ciidamada Madaniga ee Degmadaas

Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay mid ka mida h askarta madaniga ah ee ka howgala xaafadaha degmadaas, kaasoo lagu magacaabi jiray Cali Guraade.

Askarigan ayaa la toogtay isagoo ku socda gurigiisa iyadoo la sheegay inay toogteen rag dhallinyaro oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, waxaana marxuumkan uu ilaalo ka ahaan jiray xafiis ka mid ah kuwa ICRC ay ku leedahay magaalada Baydhabo .

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa habeenkii ilaalo ka haayo ciidammo lagu magacaabay MADANI, kuwaasoo tababar iyo hub siiyay ciidamadii itoobiya oo hore u joogey Baydhabo.

Xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa habeennadii lagu arkayaa ciidammo booliis ah, kuwa AMISOM iyo ciidamada madaniga oo wada-socda kuwaasoo gaaf wareegaya guud ahaan magaalada si ay amniga u sugaan.

Hiiraan Online, Baydhabo