4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2013
Urur caawinaya Naafada Soomaaliyeed oo xalay Magaalada Minnesota ee Dalka Mareykanka looga dhawaaqay (SAWIRRO)


Axad, August 18, 2013(HOL)—Maxamed  Abshir waa wiil dhalinyaro ah waxuu ku curyaamay shil Mooto horraantii sanadkii 2000, waxii intaa ka danbeeyayna Max'ed waxuu ku socdaa  gaariga curyaaminta. Maxamed waxaa lagu arkaa goobaha ay dadku  isugu yimaadaan sida masjidka ,suuqyada iyo xafladaha khayriga ah. Billowgan sanadkaan ayuu Max'ed istusay qofka isaga oo kale ah oo ku nool gudaha soomaaliya. Dabcan Dalka Soomaaliya oo ah waddan ay 23 sano dagaal sokeeye ka socdaan  waa ay iska muuqataa sidan ay ku nooshahay qof cuuryaan noqday.

 

Maxamed oo ku nool Dalka Maraykanka, isla markaana heli karaa adeegga uu u baahan yahay sida gaari uu ku socdo oo casri ah iyo kaalmooyin kale, sidaas darted ayuu saaxibadiis kala tashaday sida uu ku caawin karo dadka sidiisa oo kale naafada noqday ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu dambeyntii go’aansaday in uu sameeyo mashruuc uu ku caawinayo dadkaas, isla markaana uu uruuriyo gaariga ay ku socdaan dadka cuuryaamiinta ah, kaddibna uu u diro dalka Soomaaliya, isagoo barnaamijkiisa caawinta dadka naafada ah ku magacaabay RAJOQAB FOUNDATION

 

Xalay Fiidnimadii ayaa munaasabad ka dhacday Safari Hall oo ah goob badanaaba ay ka dhacaan xafladaha  magaaladan Minneapolis waxaa Lagu daah-furay  Urur Caawinaya curyaaminta soomaaliyeed ee Magaca Aasaasahu ugu yeeray Rajo. Dadwaynihii ka soo qaybgalay kulankan taariikhiga ahaa  waxaa wajiyadooda ka muuqaday farxad ama aan si kale u dhihi karo Dareen Bina'aadimimo oo ka keenay sawirka ama rajada max'ed abshir  wuu arkay

 


Kulanku waxuu ku billowday in lays faro Cabsida Alle waxayna Culimadii Isaga Danbaysay Codbaahiyaha na Tusaaleeyeen in Khayrka wanaagga laysku kaalmaysto RAJOQAB na mudan tahay in la garab istaago. ”Qof Walba ha fiiriyo dhibta wuu Max'ed Abshir dareeemay inay isaga maalin qabsan karto” ayuu dadkii waydiiyay Max'ud Nur oo ah Madaxa Ururka Isutaga Jaaliyadda Soomaliyeed ee MN (CSCMN)

 

Prof Siidow oo Ah Macallin wax ka dhiga Jaamacadda MN & Musharaxa  Xaafadda 6aad ee Magaaladda Minneapolis Cabdi Warsame ayaa labaduba Xusay in Madaxwaynihii ugu qiimaha Badnaa  dalkan Maraykanka uu ahaa madaxywayne ku socon jiray gaari curyaan kasoo ahaa mid aad loo qiimeeyo waxqabadkiisii kasoo lagu Magacaabi jiray Franklin D. Roosevelt, waxaanse ka filaynaa Max'ed aan u xusi doonno sida dadkaan u qiimeeyaan sida madaxwaynahoodaa” ayuu yiri Musharax Cabdi Warsame

 

Waxaa Shaqyisadda & Qofka uu yahay Maxamed Abshir  ka sheekeeyay Siyad Ali Xiriiriyahii Xafladda isagoo sidoo kale Siyaad ah  la taliyaha Arimah Africa ee Xafiiska Senator Amy Klobuchar ,waxuu yiri ”Max'ed waxaan isnaqaan muddo 6 sano ah wali am arag isagoo ka cabanaya daruufta uu ku jiro,waxuuna le yahay hammi sare”ayuu yiri Siyaad

 


Waxaa goobta ka Hadlay Max'ed Abshir  wuxuuna ugu horreyn u mahadnaqay  dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay, isagoo kaddibna yiri  ”Walaalayaal waxaa igu dhaliyay in aan aasaaso RAJOQAB Foundtion markaanarkay dhibta aniga i haysta & tan ay mudan karaan dadka anigoo kale ah oo aan haysan daryeelka aan heli karo ,waxaan iswaydiin jiray xilligii abaaraha oo dadka lixaadka leh gaajo u dhimmanyeen waxa uu ruux anigoo kale ah qabsan karo ,waxaan kala tashaday in aan  wax u qabto Dadkayga axsaab sida Maaxaay & Siyaad Ali oon Abaal  u Hayo Idinkana Haddii aad i caawisaan waxaan filayaa in aan dad wax u qabto walaalayaal”.

 

Waxaa Goobta ku Sugnaa Dadwayne aan oron karo waxaa isku keenay xanuun soomaalinimo, mid islaannimo waxay indhaagu qabanyeen dad sida Max'ed oo kale ah oo ku socaday gaariga  curyaamiinta ay ku socdaan. Sidoo kale waxaa  goobta ka muuqday dadka horseedka u ah  caawinta Ummadda Soomaaliyeed Sida Cabdicasiis Muuse Maaxaay oon oran karo Aabaha samafalka,Gabdhaha SEWD oo ah Ururka Haweenka Qurbo Joogta Soomaalida Itoobiya,Imaamka Masjidka Shaafici Sh Abdiqani Qardhaawi iyo Waliba Abuukar Awale  Qaad-Diid. Dadkaas oo dhan waxay Goobta Dhammaantood Ka Jeediyeen Khudbado Qiimo Leh.












Siyaad Siciid Saalax

[email protected]

Minneapolis, Minnesota