4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Wafdi uu Hoggaaminayay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya wafdi ka socda Midowga Yurub oo uu hoggaaminayo danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d'Urso.


Wafdiga ka socday Midowga Yurub iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa yeeshay kulan albaabbadu u xiran yihiin, waxaana markii uu kulanku soo dhammaaday la hadly saxaafadda madaxweyne Xasan Sheekh iyo d'Urso.

"Midowga Yurub waxaa ka go'an kordhinta taageerada ay siinayaan Soomaaliya, waxaan madaxweynaha u soo bandhigay mashaariic uu Midowga Yurub doonayo inuu ka fuliyo Soomaalia. Mar walbna waxaan garab-taagannahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaana ballan-qaadaynaa inaan kordhinno taageerada aan siinno," ayuu yiri Michele d'Urso oo saxaafadda la hadlay.

Danjiruhu wuxuu sheegay in Midowga Yurub ay ugu deeqeen Soomaaliya 158 milyan oo lacagta Yurub ah (Euro) si loogu horumariyo hay'adaha dowladda iyo arrimaha kale ee horumarinta dhinaca bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan taageerada ay Midowga Yurub mar walba la garab-taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xariiqay inay dajiraha u sheegeen in la bedelo qaabkii horay ee loola dhaqmi jiray Soomaaliya, marka ay timaaddo dhinaca gargaarka.

"Dowadda Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa kordhinta taageerada Midowga Yurub. Dowladduna waxay codsaanysaa in qaabkii ay beesha caalamku ku taageeri jirtay Soomaaliya wax laga bedelo, waxaana ka codsannay wafdiga in si toos ah loo caawiyo Soomaaliya," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wafdigan ka socda Midowga Yurub ee soo gaaray Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii saddexaad oo dalka yimaada tan iyo markii lasoo doortay madaxweyne Xasan Sheekh muddo bil ka hor ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya