4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Arday ka Qalin-jabisay Jaamacadda Lower Jubba University ee Magaalada Kismaayo iyo Kuliyad Cusub oo lagu soo Kordhiyay Jaamacadda (SAWIRRO)

Sabti, November 03, 2012 (HOL) —Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Lower Jubba University ee magaalada Kismaayo xaflad qalinjabin ah taasoo shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ilaa 27-arday oo ka Qalinjabisay qeybaha waxbarashada Jaamacadda.

Ardayda qalinjabisay ayaa isugu jirtay arday ka qalinjabisay qeybta machadka ee loogu gudbo jaamacadda (Pre College) iyo kuwa dhameeyay machadka jaamacadda islamarkaasina bartay qeybta tababarka caafimaadka gaar ahaanna waxay ardaydani ka qalinjabiyeen culuumta kala ah; Gynecology and Obstetrics course iyo Adult and Pediatric Nurtrition oo dhamaantood ah maadooyin la xiriira caafimaadka.

Xafladda ayaa waxa kasoo qeybgalay waalidiin, Arday, Macalimiin iyo qeybaha waxbarashada ee degmada Kismaayo, waxaana halkaasi qudbado la xiriira ahmiyadda ay leedahay waxbarashada ka jeediyay masuuliyiintii goobta ka hadashay.

Madaxa waxbarashada Jaamacadda Lower Jubba University Dr. Dubad Aaden Maxamed oo goobta qudbad ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamcaddu soo martay, isagoona si gaar u faahfaahiyay manhajka iyo tayada Jaamacadda, wuxuuna guul ku tilmaamay in maanta ardeydii ugu horeeysay ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda.

Madaxa dalladda Waxbarashada Jubooyinka (JEN) Dr. Axmed Faarax Cali Aweys oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Lower Jubba University oo uu sheegay in ay muujiyeen dadaal iyo karti dheeri ah, wuxuuna ku booriyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda.

Goobta ayaa waxa sidoo kale qudbado ku saabsan muhiimadda ay leedahay waxbarashada ka jeediyay waalidiin, odoyaal iyo culumaa’udiin, kuwaasoo siyaabo kala duwan uga hadlay muhiimadda ay leedahay waxbarashada iyo weliba sida ay ugu faraxsanyihiin ardeyda maanta ka qalinjabisay Jaamacadda.

Maamulaha Jaamacadda Lower Jubba University Siraaje Sheekh Aadan oo ugu danbeeyn goobta qudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay taariikhda Jaamacadda iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay tan iyo mudadii la aasaasay, wuxuuna hambalyo u diray ardeydii shahaadooyinka la gudoonsiinayay.

Maamulaha ayaa sidoo kale goobta ka sheegay in kuliyadaha ay bixiso Jaamacadda ay kusoo kordhiyeen Kuliyadda Islamic Finance and Banking oo uu xusay in ay tahay Online Program islamarkaasina ay bixin doonto jaamacadda Insaniah University oo ku taal dalka Malaysia.

Xafladda ayaa ugu danbeyntii shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ilaa 27-Arday oo ka qalinjabisay kuliyadda Caafimaadka iyo weliba machadka loogu gudbo Jaamacadda ee loo yaqaan Pre-College.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Soomaaliya