4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2012
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo Madaxda Dowladda ugu baaqay inay soo dhisaan dowlad dalka wax ka qaban karta
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay soo dhisayaan xukuumad dalka wax ka qaban karta, isagoo shacabka ugu baaqay inay taageeraan dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha talada ee Ahlusunna, Sheekh Cumar C/qaadir Aadan oo la hadlay saxaafadda Muqdisho qaarkeed isagoo ku sugan gobolka Galguduud ayaa sheegay in Ahlusunna ay taageersan tahay madaxda cusub ee Soomaaliya ayna u rajeynayaan shaqo wanaagsan.

"Madaxda waxaan kula talinayaa inay soo dhisaan xukuumad tayo leh, sidoo kale waxaan kula talinayaa shacabka Soomaaliyeed in la taageero madaxda dowladda, waayo waa kuwo doonaya inay dalka ka shaqeeyaan waana in la dhowro kartida iyo waxqabadka ay u leeyihiin howlaha loo xil-saaray," ayuu yiri Sheekh Cumar.

Sidoo kale, mas'uulkan wuxuu sheegay in madaxda cusub ee dowladda fursad loo siiyo inay tijaabiyaan kartidooda, aqoontooda, waxqaabadkooda iyo nastiibkooda.

Ururka Ahlusunna ayaa wuxuu ka mid yahay ururrada xiriirka dhow la leh dowladda Soomaaliya, waxaana horay ay uga mid ahaayeen golihii wasiirrada dowladda KMG ahayd ee Soomaaliya.

Taageerada Ahlusunna ayaa waxay imaanaysaa iyadoo laga sugayo ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka hoggaamisa afarta sano ee soo socota, taasoo la sheegay inay tiradeedu aad u yar tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya