4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2012
Saraakiisha Booliiska AMISOM oo saraakiil ka tirsan booliiska Somalia siinaya tababar ku Aaddan Baarista Dambiyada
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha booliiska AMISOM ayaa waxay ka wadaan Muqdisho tababarro ay siinayaan saraakiisha booliiska Soomaailya, kuwaas oo ku saabsan habka baarista dambiyada, waxaana tababarradan oo billowday bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay iyagoo socon doona illaa bisha December ee sannadkan.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise oo tababarradan ka hadlay ayaa sheegay inay yihiin kuwo lagu xoojinayo ciidamada booliiska; gaar ahana baarista dambiyada, isagoo sheegay in booliisku ay howshiisu tahay sidii uu u heli sababtii kalliftay dambi dhacay.

"Booliiska in la baro xirfadaha asaasiga u ah baarista dambiyada dhaca waa arrin aad muhiim u ah; sababtoo ah waxay ka caawinaysaa in sidii ay uga shaqeyn lahaayeen goobo ay dambiyadu ku badan yihiin ayna la dagaalamaan dambiyada," ayuu yiri Jen. C/llaahi Bariise.

Tababarradan ayaa waxaa la siinayaa saraakiil isugu jira rag iyo dumar iyadoo uu socdo wajigii labaad ee tababarka, waxaana wajigan xigi doono laba waji oo kale oo la qabanayo labada bilood ee sannadkan ka harsan.

Saraakiishan tababarrada qaadanaya ayaa la sheegay inay ka howgalayaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, halkaasoo ay ka howgalaan sidoo kale ciidammo ka tirsan booliiska AMISOM oo la dagaalanka dambiyada ka caawinaya booliiska Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxa booliiska AMISOM Jen. Mokono ayaa isaguna sheegay in tallaabadan tababarrada ay ku bixinayaan ay tahay sidii ay u xoojin lahaayeen awoodda howleed ee booliiska Soomaaliya, isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay howlaha ay AMISOM u joogto Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya