3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2012
Xisbiga UDUB oo cadeeyey inaysan xisbi kale ku biirin, kana hadlay musharaxiintoodii madaxweynenimo oo ururka WADANI ku biiray
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB oo hore u qaadacay doorashadda golaha deegaanka ee Somaliland, ayaa sheegay in musharaxi madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen ee xisbigoodda ku biiray urur siyaasadeedka Wadani aanay matalin xisbigooda, isla markaana aanay ka tanaasulin go’aankooddii ahaa inay ka soo horjeedaan qaabkii loola dhaqmay ee ay kaga hadheen doorashadda golaha deegaanka.

“Waxaan ku wargelinayaa Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee XisbigaUDUB, Guddoomiyeyaasha iyo Guddiyada Gobolada, Guddiyadii iyo taageerayaashii Dibadaha iyo dhammaanba taageerayaashii Xisbiga UDUB ee Mabdaa Xisbiga ee Xalaasha ah ku soo hadhay inaanay Jirin wax iska bedeley Go`aankii Xisbiga ee lagu qaatay inaan lagu kala milmin, lana kala Godabsan Xisbiyada iyo Ururada tartamaya, maadaama Xisbigu qaadacay Doorashada Deegaanka, kana mid ahayn Xisbiyada/Ururada ku tartamaya doorashada Deegaanka ee 28 November, 2012”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu soo saaray ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga UDUB C/Xaliim Maxamed Muuse.
  1. Xisbiga UDUB waxa ku baaqay in aanu wali ka tanaasulin cabashadii ay ka cabanayeen guddida diiwaangelinta iyo khaladaadka ku habsaday, waxaanu soo saaray qodobadan “1. In Xisbigu ka tanaasulay in wax carqalad ama mudaharaad ah lagu sameeyo Doorashada aanu ka qayb ahayn nabadgelyada awgeed.
  2. In Xisbigu ka shaqeeyo sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd si nabadgelyo ah oo xalaal ah isagoon marnaba ka kala godob galayn Xisbiyada/Ururada tartamaya.
  3. In Xisbigu si nabadgelyo ah u sii wadanayo Garnaqsigii ku saabsanaa Jiritaanka Xisbinimadiisa, taasoo aan la hayn sabab sharci oo uu Xisbigu ku lumin karo Shahaadadiisa Xisbinimo, maadaama oo aan gafkii Guddida Diiwaangelinta kaga yimi wax garawshiiyo ah laga siin loona ogolaan fursad uu ku tartamo.
  4. In Xisbigu sii joogtaynayo kulamadiisii todobaadlaha ahaa si mar walba la isula socdo.
  5. In Xisbigu soo dhawaynayo, meelna isugu wada keeni doono xubnihii miisaanka lahaa ee ka cadhooday cidda xisbigu u sharaxay Jagooyinka Madaxweynenimada, ama tabasho kaleba tirsaday, balse ilaa hadda ka midka ah Madaxdii Golaha Dhexe iyo Fulinta Xisbiga UDUB.
  6. Waxa marwalba karaamada iyo sharafta Xisbigu ku jirtaa Wada jirkiisa ilaa talada u dambaysa ee uu si wada jir ah ugu go`aan qaato.
  7. Waxaan Bahweynta Xisbiga UDUB ka raali gelinayaa Tallaabada Md.Cali Warancade ( musharaxa madaxweyne UDUB) ku wiiqayo Xisbiga oo aanu ku matalin Xisbiga UDUB,maadaama oo jagadii uu Xisbigu u sharaxayna la laalay, kana mid ahayn Gudiga Fulinta ee Xisbiga, balse ahaa Xubin Gole Dhexe oo aan Xubnaha kale waxba dheerayn”.
Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii musharaxa madaxweyne ee xisbiga UDUb Cali Maxamed Warancade iyo ku xigeenkiisii  Axmed Xaaji Daahir ku biireen ururka Wadani, taasina waxay khilaaf kale ku abuurtay xubnihii kale ee UDUB oo iyagu ku raacsanayn inay ku biiraan urur ama xisbi kale, balse aaminsan inay nidaam kale u maraan sidii xisbigii UDUB ugu soo noqon lahaa xisbimadiisii, wallow ay wakhtigan adag tahay inuu rajo dambe oo uu xisbiyada kaga mid noqdo yeesho.

Xisbigan UDUB ayaa tan iyo sidii madaxtinimada looga helay ka bixin khilaaf dhexdoodda ah, kaas oo xubno badan oo miisaan ku leh iskaga tageen, kuna biireen xisbiyada kale, wayna adag tahay inuu dib u soo noolaado oo uu ka qaybgalo doorashooyinka soo socda.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
11/2/2012 4:12 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada booliiska gobolka banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay u suuro-gashay inay gacanta ku dhigaan xalay koox qorsheynayay inay weeraraan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

11/2/2012 4:11 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay soo dhisayaan xukuumad dalka wax ka qaban karta, isagoo shacabka ugu baaqay inay taageeraan dowladda Soomaaliya.

11/2/2012 4:10 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayh u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay howgallada ciidamada AMISOM iyo dhismaha xukuumadda Soomaaliya.

11/2/2012 4:10 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Hay'ado ka tirsan kuwa Qarammada Midoobay oo ku shiray magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay inay ka bilaabayaan howlahooda gargaarka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay bishii lasoo dhaafay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM.

11/2/2012 4:09 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha booliiska AMISOM ayaa waxay ka wadaan Muqdisho tababarro ay siinayaan saraakiisha booliiska Soomaailya, kuwaas oo ku saabsan habka baarista dambiyada, waxaana tababarradan oo billowday bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay iyagoo socon doona illaa bisha December ee sannadkan.