4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2012
Suxufi Soomaaliyeed oo Suxufiyiin kale kaga guuleysatay Abaal-marinta Suxufiyiinta Caalamka ee Sannadkan

Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jamaal Cusmaan oo ah wariye u shaqeeya Tv-ga Channel-4 oo saldhiggiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystay abaal-marinta sannadkan ee suxufiyiinta caalamka.

Xafladda abaalmarinta oo dhacday habeenkii Talaadada ahayd ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madaxa telefishinka Channel-4, Jon Snow, waxaana Jamaal uu kaga guuleystay abaal-marintan laba wariye oo kala ahaa: Sue Lloyd Roberts oo u shaqeeya Newsnight iyo Felicity Lawrence oo ka tirsan wargeyska The Guardian ee kasoo baxa London.

Jamaal ayaa lagu qiimeeyay sida xafladda laga sheegay wararkii iyo filimmadii uu ka qaaday Soomaaliya xilliyadii ay dagaalladu socdeen iyo xilligii ay abaaraha ba'an ee ku dhuftay Soomaaliya.

"Jamaal Cusmaan wuxuu ku guuleystay in dhageysatayaasha Channel-4 News uu fahamsiiyo halganka ka jira Soomaaliya, sida burburka, abaaraha iyo dagallada ka socda. Wuxuu noqday ruux ay saxaafadda inta badan ka hadasho waxqabadkiisa iyo sharaxaadda uu ka bixiyay dalkiisa dhibaatadu ka jirto. Aad ayaan ugu faraxsan-nahay inaan aragno isagoo ah hoggaaminaya suxufiyiinta caalamka," ayuu yiri Ben De Pear oo ah madaxa wararka dibadda ee Channel 4 News.

Wariye Jamaal ayaa la sheegay in markii ugu horreysay oo uu u safro Soomaaliya uu doonayay inuu la kulmo koox ciyaaraha fudud ee Soomaaliya oo tababar lagu siinayay meelo khatar ah xilli ay Muqdisho ku dagaalamayeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Al-shabaab.

Mar kale ayuu Jamaal kusoo laabtay Muqdisho si uu arko abaarta ay macluushu ka dhalatay ee ku dhufatay Soomaaliya, isagoo filimaan ka qaaday dad saameyn xooggan ay ku yeesheen abaaraha.

Jamaal ayaa wuxuu hadda ka howgalaa London, isagoo ah wariye ka shaqeeya Tv-ga Channel-4, waxaana uu qayb ka noqonayaa wariyeyaal Soomaaliyeed oo horya loo guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan oo caalami ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya