4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Xuska Sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegtay Geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland oo Hargeysa lagu qaabtay


Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Sanad-guuraddii tobanaad ee ka soo wareegtay Geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa xalay lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Xafladan oo ay soo qabanqaabisay xaaskii madaxweynihii hore Marwo Kaltuun Xaaji Daahir,waxaana ka soo qaybgalay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin xisbiyadda qaranka, madax dhaqameedka, aqoonyahano, wasiirro iyo rag badan oo ay saaxiib ahaayeen marxuumka oo ay soo wada shaqeeyeen, kuwaas oo ka sheekeeyey taariikhdiisa iyo waxyaalaha lagu xasuusan karo oo qalbiyadda dadka ku dhegan.

Maxamed Siciid Gees maareeyaha Akadamiga nabada iyo horumarka, oo in badan wada shaqeeyeen saaxib dhowna ay isku ahaayeen ayaa ka waramay waxyaalihii uu dalka ka qabtay iyo talaabooyinkii horumarineed ee uu marxuum Cigaal hormoodka ka ahaa oo ay ugu weyn tahay hub dhigistii kooxihii dagaalamayey iyo qabiilooyinkii hubka sitay.

"madaxweyne Cigaal mar uu carabta la hadlayey waxa uu ku yidhi anigu waxaan dadkayga ku hoggaaminayaa waxay doonayaan, waxayna madaxweyne igu doorteen Somaliland inaan u shaqeeyo" Ayuu yidhi Mudane Gees oo wasiirkiisa arrimaha dibadda ahaa muddo dheer.

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa iyana tilmaamo ka bixisay geedi-socodkii dimuquraadiyadda iyo hawshii ka gashay Axsaabta badan oo uu ka kow ahaa Xisbiga UDUB oo uu hoggaamiye u noqday, kaasoo ay dhaliishay waqtigan muranka dhexdiisa ka oogan. " marxuumkii waxa uu yidhi markii aasaaska xisbiga UDUB socday waxaan doonayaa in aanu xisbigaasi noqon, xisbi nin kalli ahi ku amar ku taagleeyo, ee uu ahaan doono mid loo simanyahay, Xisbigii UDUB waxaa uu maanta u baahanyahay in la badbaadiyo"ayey tidhi mar ay ka hadlay khilaafka xisbiga UDUB hadheeyey.

"In kasta oo aanan wax badan ku soo gaadhin, waxaynu ka marag ka nahay in Cigaal ahaa aas-aasihii Somalilan"ayuu yidh gudoomiyaha golaha Wakiiladda oo madasha ka hadlay.


Axmed Aadan (Goodir,) oo ka mid ahaa guddigii hore ee doorashooyinka, islamarkaana aqoon dheer u lahaa marxuumka ayaa ka waramay wakhtigii uu sameeyey guddida doorashooyinka somaliland in uu kula dardaarmay cadaaladda, waxaanu yidhi "Komishanka markii la noo doortay, waxaa uu nagu yidhi cadaalad ayaa la’idiin doortay haddaad cadaalad daro isku aragtaan, anniga igu jiifsadda anigaa dhabar-weyne."

"In aanay UDUB is khilaafini ma soconayso oo adduunyada ayaa ku dhisan, laakiin, inay is khilaafto oo aanaan heshiinin ayaa nagu ah doqoniimo. Garabyo ayaa la sheegaa aniga oo labadiiba ka wakiil ah waxaan leeyahay nacasnimo ayaa na haysata"ayuu yidhi Siciid Sulub wasiirkii hore ee hawlaha guud oo ka hadlayey khilaafka xisbiga UDUB oo uu sheegay in loo bahan yahay in khilaafka jira la dhameeyo.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin aad u badan oo ay hore u soo wada shaqeeyeen, kana waramay dhacdooyinkii cajiibka ahaa ee ay ku arkeen marxuum Maxamed X. Cigaal.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland