4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Dibad-bax Ballaaran oo ka soconayo Xaafadda Eastleigh (Islii) ee Nairobi iyo Goobihii Ganacsi oo gabi ahaan xiran


Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ka soconayo Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalada ee Nairobi dibad-bax ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen ganacsatada xaafadda, kaasoo ay uga cabanayaan amni darrida kusoo badaneysa Xaafadda.

Dibadbaxan ayaa ka danbeeyay kadib markii xalay kooxo hubeysan ay dhac u geysteen ilaa todobo tukaan oo ganacsi kuwaasoo ay ka qaateen hanti fara badan, oo isugu jirtay lacago aad u tiro badan iyo weliba alaabihii yaallay dukaamadaasi.

"Xaaladda Amaandarro waa ay kasii dareysaa, cid wax ka qabaneysana ma jirto, xalay waxaa dukaamadeenii dhacday burcad hubeysan oo sitay gaadiid, waxayna qaateen wax alaale iyo wixii dukaamada Yaallay," ayuu yiri mid kamid ah ganacsatadii hantidooda la dhacay oo isagoo careysan warbaahinta la hadlay.


Waxaa maanta gabi ahaanba xiran goobihii ganacsi ee xaafadda, dadkuna waxa ay raxanraxan u taaganyihiin wadooyinka, iyadoona sidoo kale xaafadda lagu soo daadiyay Boolis aad u badan.

Xaaladda ammaan ee xaafadda Islii ayaa haatan u muuqata in ammaankeedu uu faraha ka baxayo, waxaana xildhibaanka laga soo doortay Degmada Kamakunji ee Yuusuf Xasan uu hore u sheegay in ay wadaan dadaallo wax looga qabanayo ammaanka guud ee Xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Eastleigh (Islii).






Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya