4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Dilal Qorsheysan oo xalay ka dhacay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho

Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo laba ka mid ah ay ka mid ahaayeen shaqaalaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa lagu dilay xalay Muqdisho, waxaana dilkaas geystay rag bastoolado ku hubeysan oo wajiga qarsaday.

Dilka labadan ruux ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Buulo-xuubey ee Degmada Wadajir halkaasoo ay ku caweynayeen, waxaana kooxihii dilkooda geystay ay si dhaqso badan uga baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ayaa goobta gaaray, iyagoo baaris ku sameeyay xaafaddaas, balse lama oga cid ay ku qabteen; iyadoo dhallinyarada ku nool xaafaddaas ay sheegeen inay arrintan saameyn weyn ku yeelatay.

Ma jirto hadal kasoo baxday waaxdii ay labadan ruux ee la dilay ay ka tirsanaayeen iyadoo sidoo kalena aysan weli jirin cid sheegatay dilkooda, waxaana inta badan ka geysta Muqdisho dilalka noocan oo kale ah xoogagga Al-shabaab.

Dhanka kale; ciidammo ka tirsan kuwa degmada Wadajir ayaa la sheegay inay xalay saqdii dhexe ku toogteen xaafad ka tirsan degmadaas laba qof oo uu ku jiray askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo fadhiyay gurigooda hortooda.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda uu dilkan ka dhacay ayaa sheegay inaan la ogeyn sababta ay ciidamada deegaanku u dileen askariga iyo ruux kale oo walaalo ay ahaayeen, mana jiro hadal kasoo baxay maamulka degmada.

Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ugu nabdoon Muqdisho, waxaase ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo mar qura lagu dilo afar qof tan iyo markii uu sannadkan billowday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya