4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminayo u qaybsamaha arrimaha Soomaaliya ee Maraykanka

Axad,May 06, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay lix xubnood oo uu hogaaminayo u qaybsamaha arrimaha Soomaaliya ee Maraykanka Mr: Douglas Meurs ee safaaradda Nairobi ee dalka Kenya.

Weftigana Maraykanka ayaa la sheegay inay ka socdaan Guddiga Deeq bixiyeyaasha ee Arrimaha doorashooyinka Somaliland ka caawiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa lagu sheegay inay socdaalkoodu ahaa sidi ay u kuurgali lahaayeen doorashooyinka la filayo inay somaliland ka dhacaan.

Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka iyo xubnaha wasiirada ee shirka kala qayb galay, ayaa weftiga warbixin mugleh ka siiyey halka ay marayso hawshaasi, waxaanay u sheegeen in ay dhinaca Dawlada Somaliland ka dhamaatay, marka la eego Gudigii Diwaan gelinta oo soo gebegabeeyey kala saaridii Ururada ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedkaasi.

“ Xukuumaddu Dhinaceeda way ka Diyaarisay dhaqaalihii Saami ahaan ku soo hagaagay ee ku bixi lahaa Doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo xitaa shuruucdii looga baahnaa oo iyana dhinaca Baarlamaanka ka dhamaatay”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Sidoo kale, waxay tilmaameen in ay hawshan Doorashooyinka ay hadda gacanta ku hayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo iyagu xaq u leh inay cayimaan mudada Doorashada inay mudeeyaan, marka ay suurto gal u tahay inay Doorashada qabtaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland