3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Xoogagga Ahlusunna Waljamaaca oo toogasho ku dilay laba qof oo loo qabtay Qaraxii ka dhacay Degmada Dhuuso-Mareeb

Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Xoogagga Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku toogtay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud laba qof oo ka mid ahaa kuwii loosoo qabtay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Talaadiid lasoo dhaafay ka dhacay xarunta gobolka Galguduud.

Weerarkan ismiidaaminta ahaa ayaa waxaa ku dhintay laba xildhibaan oo ka mid ahaa mudanayaal iyo siyaasiyiin degmadaas u joogay wada-xaajood ku saleysan sidii gobollada dhexe looga sameyn lahaa maamul lagu mideysan yahay, sidoo kale laba mudane iyo siyaasiga Axmed C/Salaan ayaa iyaguna ku dhaawacmay.

Labada qof ee la toogtay ayaa la sheegay in lagala baxay xasbiga degmadaas sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaana dilka labadan qof xaqiijiya Sheekh Maxamed Yusuuf Xeefoow oo ah guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna.

"Dilkaas waa jiraa, balse ma ahayn laba qof oo lagu xukumay inay dambigaas lug ku lahaayeen, kuwii geystayna waa lala xisaabtamayaa," ayuu yiri Sheekh Xeefow oo sheegay inay dad badan u xirxiran yihiin weerarkaas.

Mar la weydiiyay in magaca qofkii ay sheegeen inuu weerarkaas geystay uu nool yahay Muqdishana uu ku sugan yahay, isagoo sheegay in Ahlusunna ay ku been-abuuratay ayuu sheegay in qofka weerarka geystay uu ahaa ina Cartan, balse ay dhici karto in magacyada la isku qalday.

"Innaga magaca waxaa noo sheegay dad ogaa markii uu soo baxayay, waxaase dhici karta inaan qaladnay magaca... waxaana socda baaris ku aaddan sidii lagu soo heli lahaa magaca qofka qaraxa sameeyay oo sax ah," ayuu mar kale yiri Xeefow.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Degmada Dhuusomareeb ayaa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab, inkastoo aysan shaacin magaca ruuxii weerarkaas fuliyay oo ay sheegeen inuu xoogaggooda ka tirsanaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/4/2012 7:48 AM EST
Jimco, May 04, 2012 — COL Cabaas Ibraahim Gurey oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda KMG ee howlgalka ka wada gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ay qorsheynayaan weerar ballaaran oo ay ku qaadaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

5/4/2012 7:47 AM EST
Jimco, May 04, 2012 — Maamulka xarakada Al-shabaab ee magaalada Bu'aale ee gobolka Jubada Dhexe ayaa gobolka ka eryay qaar katirsan odayaal dhaqameedyo caan ka ah gobollada Jubooyinka.

5/4/2012 7:44 AM EST
Jimco, May, 04, 2012 (HOL) -- Wararka laga hellayo degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in ay halkaa isaga baxeen xoogagga Xarrrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo maalintii shalay gudaha u galay degmada.

5/4/2012 7:32 AM EST
Jimco, May 04, 2012 — Waxaa goor dhow garoonka diyaaraha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdishoka duulay wafdi uu hogaaminayo duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku sii jeeda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

5/4/2012 7:16 AM EST
Xaflad ay soo qaban qaabisay kooxda waayaha cusub oo ay kasoo qeyb galeen boqolaal dad ah oo reer Eastleigh ah, isla markaana loogu magac darey (Nabadi waa nolole, Dhalinyarooy Nageeh) taasoo lagu wacyi galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xaafada Easliegh ee magaalada Nairobi

5/4/2012 6:47 AM EST
Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo maantay soo bandhigtay warbixinteeda sannadlaha ah ayaa sheegtay in tacadiyo xoog leh ay ciidamada Kenya u gaystaan dadka qaxootiga ah ee Soomaalida ah.

5/4/2012 4:30 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Shirka lagu soo xulayo guddiga ansixinaya dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri oo Sabti ah uu ka furmo magaalaad Muqdisho, sida madaxweyne Sheekh Shariif u sheegay warbaahinta.

5/4/2012 4:20 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo wareysi siiyay idaacadda Andulus oo ku hadasha codka Al-shabaab ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay fashiliyaan shir lagu doonayay in dhibaatooyin looga abuuro gobollada dhexe oo muddo sannad ah lasoo qorsheynayay.

5/4/2012 4:09 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariikh Sheekh Axmed oo shalay booqday xarunta gaadiidka booliiska oo lagu wado inuu ka furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan aqbali karin in dastuurka laga soo horjeesto, laakiin ay ogol yihiin in qodobbadiisa laga doodo.

5/4/2012 3:52 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa, ayaa tan iyo sidii roobabkii u xidheen biyo mareenaddii ku mashquulsan sidii ay u furi lahaayeen biyo mareenadda ay camuudda iyo khashinku awday.

5/4/2012 3:35 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki ayaa weydiistay beesha caalamka shalay oo Khamiis ahayd in gacan laga siiyo dowladdiisa sidii dib loogu celin lahaa qoxootiga Soomaalida gudaha dalkooda, gaar ahana goobihii laga saaray Al-shabaab.

5/4/2012 3:09 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday guri ay deggenaayeen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku yaalla degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Xamarjadiid.

5/4/2012 2:56 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Markii afaraad sannadkan oo keliya ayaa waxaa lagu weeraray xalay madaxtooyada Soomaaliya madaafiic culus, kuwaasoo qaarkood ku dhacay gudaha xarunta madaxtooyada, halka kuwo kalena ay ku dhaceen goobaha ku dhow.