4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2012
Wafdi heer sare ah oo ka socda dawlada Soomaaliya ayaa u Ambabaxay dalka Itoobiya oo ay shir uga qaybgalayaan


Axad, May 20, 2012 (HOL) — Wafdi ay hogaaminayaan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh aadan ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdigan ayaa waxaa qayb ka ah wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxayna dalka Itoobiya uga qayb-galayaan shir berri oo Isniin ah ka furmi doona, kaasoo looga hadlayo heshiiska Roadmap-ka iyo dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Addis Ababa ayaa waxaa horay ugu sugnaa madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole iyadoo lagu wado inay magaaladaas gaaraan xubno ka socda Ahlusunna iyo Galmudug oo ka qaybgalaya shirkan.

Shirkan oo socon doona laba casho ayaa waxaa looga hadli doonaan waxyaabihii ka qabsoomay heshiiska Roadmap-ka iyo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo cabasho ay ka timid, gaar ahaan Puntland oo si aad ah uga cabatay 35-qodob oo dastuurka ka mid ah.


Madaxweynaha Soomaaliya oo aan horay warkayaga ugu sheegnay inuu wafdigan hogaaminayay ayaan kaga haray gasroonka diyaaradaha sababo aan la shaacin awgood, waxaase ilo ku dhow ay sheegayaan inuu galabta tagi isna magaalada Addis ababa.

Lama oga in shirkan lagu dhameyn karo is-afgaran-waaga dastuurka ku saleysan ee u dhexeeya dowladda KMG ah iyo Puntland, iyadoo madaxda dowladda ay sheegeen inay ka go'an tahay ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgeli doona dajire Augustine Mahiga oo u qaabilsan Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Itoobiya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya ay marti-gelinayso shirka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya