4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Xarigga ka jiray Dhismo cusub oo ay ku shaqeyn doonaan Mas’uuliyiinta Baladweyne (SAWIRRO)

Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa iyo mas'uuliyiinta maamulka degmada ayaa maanta xariga ka jiray dhismo cusub oo ay ku sii shaqeyn doonaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay munaasabada loo qabtay fursita xarunta cusub ee maamulka degmada Beledweyne ayaa sheegay in maanta wax lagu farxo tahay in bulshadii gobollka oo kaashanaya maamulkooda u soo jeestaan dib u dhiska xarumihii dowladda.

"Marka ugu horeysay waan ka mahad celinayaa dhismaha xarunta cusub, cid kasta oo gacan ka geystay waxaan leeyahay mahad ka gaarto, waayo waxaa hubaal ah in howl socon karta aysan jirin haddii aan la helin goob lagu shaqeeyo," ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu intaa ku darray in xaruntii maamulka gobollka Hiiraan iyo tii degmada intaba hadda bur bursan yihiin, kadib markii horaantii sanadkan lala beegsaday weerar Ismiidaamin ah oo khasaare xoog leh gaarsiiyay dhimaha xarumaha gobollka iyo degmada, isaga oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dayactirayo.


Guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday sida uu hadal ka u dhigay weerar maalmihii ugu danbeeyayba siweyn loo hadal hayay oo ahaa in uu khilaaf soo kala dhaxgalay mas’uuliyiinta maamulka.

"Marka hore waan leenahay wax khilaaf ma jiro, waayo guddoomiyihii degmada waa kan dhinaceyga taagan, haddii uu jiro xitaa waxaa meesha ka cad in bulshada reer Hiiraan iyo mas’uuliyiintoodaba yihiin kuwo awood u leh in ay durbaba xal ka gaaraan xaalad kasta oo markaa taagan," ayuu C/fitaax Xasan hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale, mar uu ka hadlya arrinta dastuurka ayuu sheegay inay wax laga xumaado tahay in mas’uuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ku murmaan qodobbo aan wax micno ah ku fadhin xili umadda Soomaaliyeed baaba’san tahay una baahan tahay in la samatabixiyo

"Anniga ila ma’aha in la joog waqtigii lagu murmi lahaa mustaqbalka umad baaba’san oo u baahan in marka hore laga fikiro nabad-galyadooda iyo waliba sidii ay u heli lahaayeen nolashii ay xaqa u lahaayeen, marka waxba yaan meel cidla ah lagu murin, ee halaga fikiro nabad-galyada iyo sidii bulshada looga samata bixin lahaa waqtiga iyo xiliga adag oo ay dhax maquuranayaan,’’ ayuu guddoomiyuhu yiri.
 
Guddoomiyaha degmada Beledweyne Cismaan Barre Max’ed ayaa dhinaciisa ka hadllay munaasabada, isaga oo meesha ka saaray in uu khilaaf jiro, waxaana uu sheegay in haddii la wada hadllo aan la kala tagin, loona baahan yahay bulshadu in ay fahanto ujeedada loo socdo oo ah in wax la toosiyo.


Waxaa uu sheegay guddoomiyaha degmada wixii hadda ka danbeeya aan la aqbali doonin in la kala saar saaro bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan, cid kasta oo qabyaalad ka shaqeysana maamulku talaabo cad ka qaadi doono.

Munaasabada maanta ayaa marka laga soo tago furista xarunta cusub ee degmada, ayaa dhinaca kale waxaa ay muujisay in uusan jirin wax khilaaf ah oo waqtigan ka dhaxeeya mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo si wada jir ah bulshada ula hadllay.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya