3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2012
Dood-cilmiyeed looga hadlayay xiriirka Waalidka iyo Macallinka u dhexeeya oo lagu soo gabgabeeyay Muqdisho

Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Wajiga saddexaad dood-cilmiyeed looga hadlayay xiriirka ka dhaxeeya waalidka iyo macallinka ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho, kaasoo ay kasoo qayb-galeen culumaa'udiin, macallimiin iyo waalidiin.

Dooddan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ayaa looga dooday doorka kaga aadan macallinka tarbiyeynta caruurta iyo sidii waxbarashadooda uu u ilaalin lahaa, iyadoo lagu dhaqamayo sunnada nebigeena Muxamed (NNKH), waxayna dooddu ahayd mid ay fikrado isku weydaarsadeen dadkii ka qaybgalay.

Sheekh C/qaadir Sheekh Soomow oo doodda furay ayaa sheegay in xiriirka waalidka iyo macallinka u dhexeeya uu noqdo mid adag, isla markaana xushmad la gaar ah uu yeesho macallinka, isagoo soo qaatay sida macallimiinta dugsiyada Qur'aanka ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda xushmad weyn.

"Macallinka wuxuu abaalmarin u heli jiray xoolo nool markuu cunugga u dhemeeyo barashada Qur'aanka, laakiin hadda taas ma jirto, macallinka waa la kareyn jiray, wuxuu ahaa aabbihii labaad ee cunugga, balse taasi hadda ma jirto waayo waxaa meesha ka baxay xiriirkii u dhaxeeyay macallinka iyo waalidka," ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sheekh Axmed Shuqul oo isna meesha ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya waxa ugu weyn ee ay lahayd uu ahaa diinka iyo caruurta, hase ahaatee maanta intiiba la bedelay, isagoo xusay inay soo baxeen macallimiin diinta bedelay oo caruurta marin habaabinaya.

"Hadda waxaa soo baxay macalin ku sheeg ilmaha lagu aaminay si qaldan diinta u baraya, ardaydii ama ilmihii waxaa la baray waxaysan dhaqan u lahayn, sida in la baro hubka, taasna waa in waalidka ka feejignaadaan," ayuu yiri Sheekh Shuqul.

Sidoo kale, waxaa doodda hadal ka jeediyay Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan isagoo khudbaddiisa kaga hadlay waajibaadka macallinka ka saaran ardayga, isagoo xusay in macallinku yahay waalidka labaad ee ardayga uuna saaran yahay waajib weyn oo ah dhinaca waxbaridda, balse in hubka la baro waa mid aan meesha ku jirin.

Sheekh Muuse Cagaweyne oo isna doodda ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay waalidka inuu si gaar ah ula socdo waxbarashada caruurtiisa, isla markaana uu koontaroolo waxyaabaha dugsiyada lagu barayo.

Waalidiintii doodda goobjoogga ka ahaa ayaa waxaa u hadlay, Sheekh Maxamed Cabdi Ibraahim oo sheegay in la sameeyo dallad isku xirta macallinka iyo waalidka, si ubad toosan loo helo si aan caruurta loogu adeegsan qarrib.

Ugu dambeyn, dood-cilmiyeedkan oo ahaa mid aaraa kala duwan la isku dhaafsaday ayaa kusoo xirmay jawi is-afgarasho ah, iyadoo waalidiintii iyo macallimiintii goobta joogay ay si wanaagsan iskula garteen in xiriirkooda uu wanaagsanaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/17/2012 8:32 AM EST
Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Hadal uu danjire Ingiriiska ee Qaramada Midoobay, Philip Parham ka jeediyay shirkii golaha ammaanka ee Ummadaha Midoobay ay kaga hadleen Soomaaliya ayaa soo jeediyay in mudnaanta koowaad la siiyo geeddi-socodka siyaasadda dalka Soomaaliya, isagoo u digay kuwa doonaya inay carqaladeeyaan geeddi-socodka nabadda.

5/17/2012 7:53 AM EST
Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Muran ku saabsan xilliga uu xilka hayanayo madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin ayaa soo dhexgalay baarlamaanka maamulkaas, iyadoo guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenku ay hadallo iska soo horjeeda siiyeen saxaafadda.

5/17/2012 4:38 AM EST
Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Diyaarad ay la socdeen wafdi uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ahna ku-simaha madaxweynaha, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhaweyd ka dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

5/17/2012 4:25 AM EST
Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Milatariga Somaliland, Col.Yuusuf Faarax Sharmarke ayaa Dablay hubaysan oo weerar ku soo qaaday Ciidanka Milatariga Somaliland xukuno kala duwan ku xukuntay, ka dib markii eedihii lagu soo eedeeyey ay uu sheegay inay qirteen maxaabiistu.

5/17/2012 4:23 AM EST
Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines oo rakaab u soo waday Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay magaalada Istanbuul kaddib markii ay ku degi waday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

5/17/2012 4:11 AM EST
Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa sameeyey maalin doorasho tijaabo ah oo ay doonayaan inay ka qiyaas qaataan qaabka ay doorashadda u qabanayaan iyo sida ay dadku u fahansan yihiin doorashadan golaha deegaanka oo ka duwan tii hore.

5/17/2012 4:09 AM EST
Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Kenya ay ku qabteen deegaanka Niivasha ee galbeedka Kenya nin u dhashay dalka Jarmalka oo ay ku sheegeen inuu ka tirsan yahay islaamiyiinta mayalka-adag.

5/17/2012 3:59 AM EST
Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay inay wadahadallo kula jiraan odayaashii Puntland ee ka baxay shirka ka socda Muqdisho, si ay howshu u sii socoto.

5/17/2012 3:33 AM EST
Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn dastuurka cusub ee loo sameeyay Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inaysan ku caddeyn awoodaha maamul goboleedyada dalka.