4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Maamulka Galmudug oo sheegay in deegaanadooda ay soo gaareen xoogag taabacsan Al-shabaab ayna ka hortagayaan

Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Maamulka Galmudug oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in deegaanno uu ka taliyo ay gaareen xoogag Al-shabaab taabacsan, iyadoo maamulku uu sheegay inuu billaabay howgallo uu kaga hortagayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Galmudug, Abshir Diini Cawaale oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xoogaggaas ay ku sugan yihiin dhulka howdka ah iyo dhulka xeebta ah ee ku teedsan badweynta Hindiya.

"Xoogaggan waxaa lagu ogaaday markii ay soo galeen dhulka howdka ah oo dhinaca koonfur iyo bari kaga beegan Mudug, waxaana billownay howgallo aan uga hortagayno," ayuu yiri Abshir Diini.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ay ku jiraan rag kasoo jeeda deegaannada uu maamulkoodu ka taliyo, balse uu ka gaabsaday inuu sheego magacyadooda.

Wararka laga helayo deegaannada la sheegay inay gaareen xoogagga Al-shabaab ayaa waxay shayaan in saraakiisha hoggaaminaya ciidamadaas inay amarro kusoo rogeen dadka deegaannadaas ku nool.

Al-shabaab ayaa waxay horay ugu sugnayd degmada Xarardheere ee gobolka Mudug balse tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay gudaha u galaan deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan.

Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin ayaa shalay gallinkii dambe dib ugu laabtay Koonfurta magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay inuu wado qoshe lagu ballaarinayo maamulka Galmudug.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya