Khubarro Sharci-yaqaanno iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed ah oo ka digay khatarta Qabyo-qoraalka Dastuurka (SAWIRRO)
Isniin, May 14, 2012(HOL) -Waxaa magaalada Stockholm lagu qabtay kulan lagu falanqeynaayey qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya ah oo ay qabanqaabadiisa iska kaashadeen Ururka Baadigoobka Waddaniga Soomaaliyeed (UBWS) iyo Royal TV.
Kulankaas oo ay ka soo qeybgaleen waxgarad, culumo, siyaasiyiin, aqoonyahanno, dumar iyo dhallinyaro waxaa lagu furay aaayadaha quraanka, wacxaana kulanka furay guddoomiyaha ururka UBWS Dr. Maxamuud Cali Xasan (Afgooye) oo wasiiru-dowlo ka noqday dowladdii Carte, oo sheegay ujjeeddada kulanka in ay tahay in laga doodo dastuurka qabyo-qoraalka ah iyo sida uu u saameyn doono dalkeenna.
Khubarradii ka hadlay markii hore kulanka waxay kala ahaayeen Prof. C/llaahi Cosoble Barre oo ahaan jiray Guddoomiye-Ku-Xigeenka Maxkamadda Sare dolwaddii hore ee Soomaaliya, isaga oo weliba macallin ka ahaa jaamaccada Ummadda; Prof. Cumar Maxamed Caddow oo macallin ka ahaan jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana agaasime ka ahaan Wasaaraddii Arrimaha Dibedda, Jen. Maxamed Xaaji M. oo ahaan jiray taliyihii guud ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna qareen dhinaca sharciyada.
Prof. Cosoble wuxuu sawir guud ka bixiyey taariikhda guud ee dastuurkii 1960-dii ee aftida lagu ansixiyey, wuxuuna sheegay in dastuur uusan noqon karin mid sax ah illaa afti guud ay dadweynuhu ugu codeeyaan. Prof. Cosoble wuxuu sheegay in dastuurka uu dhaawacaayo midnimadii labada gobol ee Koonfur iyo Waqooyi, isla markaana uu sababi karo in Somaliland ay ka go’do dalka intiisa kale.
Prof Cosoble oo sii hadlayay wuxuu dhaliilay ergayga UNta Ambasador Mahiga oo uu ku tilmaamay mid aan u dhaqmin sidii laga rabay nin diblomaasi ah, isagoo ku hadlay buu yiri hadallo aan munaasab ku aheyn ummadda Soomaaliyeed.
Prof. Caddow wuxuu sheegay in dastuurkii 1960 uu yahay mid si buuxda u caddeynaaya mabaadi’ida waddaninimada oo aheyd si adag oo dalka ka dhigeysay mid heysta madax banaani buuxda oo mideysan. Halka dastuurka qabyo-qoraalkii uu arrintaas si waadax ah u caddeyn.
Prof. Caddow wuxuu dhaliilay nidaamka federaalka oo ah mid aysan Soomaalidu buuxin karin shuruudaheeda. Waxaa loo bahan yahay ayuu yiri Professorku dowlad midnimo qaran oo dalka oo dhan gacanta ku heysa si loogu gudbo nidaamka federaalka, oo aan runtii aheyn mid ay Soomaalidu u baahan tahay. Prof. Caddow wuxuu la yaabay in qodobada qeexaya jinsiga iyo qofka Soomaaliga ah ay yihiin kuwa isku darsaday laba nidaam oo kala ah nidaamka abtirsiga ee dhiigga iyo midka dhulka iyo ku dhalashadiisa, taasina waxay mugdi gelineysaa buu yiri Soomaalinimada iyo in dalka uu gacanteenna ka baxo.
Jen. Maxamed Xaaji ayaa isna madasha ka hadlay, wuxuuna sheegay in Soomaaliya aysan u baahneyn dastuur waayo buu yiri dastuur iyo sharci waan leenahay, laakiin waxaa loo baahan yahay waa maamul dalka hoggaamiya. Dastuurkii 1960 waxaan samynsannay, ayuu yiri annaga oo isjecel oo deggan oo mideysan, sidee loo heli karaa dastuur kale xilli aan ku jirno dagaallo iyo burbur. Wuxuu Jen. Maxamed sheegay in dastuurkan uu dhalin karo dagaallo hor leh oo dhexmara beelaha degaan-wadaagga ah.
Dhammaan khubarradii kulanka ka hadlay Prof. Cosoble, Prof. Caddow iyo Jen. Maxamed waxay caddeeyeen in aan loo baahneyn dastuur cusub maddaama ay Soomaaliya leedahay dastuur, basle loo baahan yahay in dastuurkii hore wixii loo baahdo lagu kordhiyo, lana ilaaliyo midnimada dalka Soomaaliya. Waxay kaloo ay khubarradu sheegeen in dastuurka qaybo-qoraalku khatar weyn gelinaayo dalka.
Kulankaas oo lagu qabtay guriga ummadda ee xaafadda ay Soomaalida u badan yihiin ee Rinkeby-Stockholm waxaa sidoo kale kaalmo ka geystay Ururka Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Sweden (SRFS). Iyadoo uu kulankana soo gunaanaday Sh. Daahir Axmed Jeyte oo ka mid ah masuuliyiinta ururka UBWS.
C/llaahi Cilmi (Asad)
Stockholm