3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2012
Xukuumadda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomalia
Saturday, May 12, 2012

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey, iyadoona kulanka looga hadlayay heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobey Xuquuqul Insaanka.

Waxaana kulanka maanta ka soo qeybgalay Agaasimaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee QM, Anders Kompass, Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee UNPOS, Peter De Clerg, Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari- Bari), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Geneva, Ambassador Wafula Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka  iyo Arimaha Federaalka iyo xubno ka tirsan Ururada Bulshada.

Ugu horeyn Amb. Yuusuf  Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay mid lagu gaarayo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan xuquuqul-insaanka, iyadoo buu yiri ay kala saxiixanayaan Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Heshiiskan uu safiir Bari Bari sheegay  ayaa waxaa uu ka kooban yahay qodobada hoos kuqoran:

In la dhowro lana fuliyo heshiiska ku saaabsan Xuquuqul Insaanka.

In la ilaaliyo Xuquuqda dadka jilicsan sida, Haweenka, Caruurta, Barakacayaasha iyo Saxaafadda.

In la adkeeyo Sharciga iyo kala dambeynta iyadoo loo marayo maamul cadaalad ku salaysan ah.

In la dhiso awoodda hay’adaha ilaalinayo Xuquuqul Insaanka.

In la sameeyo wacyi-gelin dhinaca xuquuqul-insaanka iyadoo loo marayo Saxaafadda

In la horumariyo xuquuqda bulshada iyo dhaqaalaha

In lala sameeyo wada shaqeyn joogto ah iyadoo la raacayo habka u dagan golaha Xuquuqul Insaanka.


Waxaa heshiiskaan dhanka dowladda u saxiixay Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha faderaalaka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxaana uu sheegay Wasiirku  in heshiiskan uu yahay mid taariikhi ah, isla markaana Dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelanayso uu si weyn u qeexayo dhowrista Xuquuqul Insaanka iyo Xuquuqda muwaadinka Soomaaliga ah uu leeyahay, haddana ay laga ma maarmaan tahay in si wada jir ah la isaga kaashado dhowrista Xuquuqul Insaanka.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyada ay leedahay in muwaadinka Soomaaliga ah in la dhowro Xuquuqdiisa, dowladuna ay ka shaqeyneyso in muwaadin walba oo Soomaali ah uu helo xaquuqdiisa islamarkaana si guud loo dhowro Xuquuqul Insaanka.

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
5/11/2012 8:28 AM EST
Jimco, May 11, 2012(HOL): Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Malmö ee dalka Sweden ayaa maanta la gudoonsiiyey shahaado uu bixiyo aqalka Boqortooyada ee dalkan Sweden. Shahaadadan oo ah markii ugu horeysay ee Taariikhda dalkan Sweden ay ku guuleystaan dad Soomaali ah ayaa waxaa maanta (shalay) guddoonsiiyey Badhasaabka gobolka Skåne Mr: Göran Tunhammar iyadoo ay halkaas goob joog ka ahaayeen madaxada Gobolkan & Madaxda Jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Malmö ee dalkan Sweden.

5/11/2012 4:27 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa dagaal kala hortagay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah oo saakay isku dayay inay fujiyaan goobo ganacsi oo laga dhistay hareeraha isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo taasi ay keentay in isgoyskaas uu xirmo.

5/11/2012 4:22 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa ku dhintay dagaal ciidammo kawada tirsan dowladd KMG ah ku dhexmarya xaafadda Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo guddoomiyaha degmada Huriwaa uu eedeyn u jeediyay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

5/11/2012 4:05 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddiga xawaaladleyda Soomaalida gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa aad uga carooday bankiga US Bank oo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu la shaqeeyo xawaaladleyda Soomaalida, kaddib wada-xaajood muddo socday oo bankigaas uu kula jiray guddiga xawaaladleyda Soomaalida.

5/11/2012 3:52 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ku sugan degmada Xudur ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan dad shacab ah oo lagu dilay deegaan ku dhow degmada Xudur.

5/11/2012 3:41 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culumada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisow ayaa sheegay inay dib u dhigeen qabashada mudaaharaad ay ku wadeen inay maanta ka dhigaan Muqdisho, kasaoo ay uga soo horjeedaan dastuurka cusub ee Soomaaliya.

5/11/2012 3:35 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dilay laba qof, kuwaasoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana kooxihii dilka geystay u suurogashay inay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.