4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Dab khasaare maaliyadeed geystay oo gubey qaar ka mid ah beeraha tuulada Karin ee Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari

Talaado, July 31, 2012 (HOL) - Dab geystey khasaare maaliyadeed oo xoogan ayaa gelinkii danbe ee shalay ka kacay deegaan beereedka Karin oo qiyaastii 30km magaalada Boosaaso waqooyiga kaga beegan.

Dabka ayaa sida ay qaar kamid ah waxgaradka tuuladaasi Hiiraan Online u xaqiijiyeen wuxuu waxyeelo soo gaarsiiyey beero ay tiradoodu 10 kor u dhaafeyso, una badnaa kuwa ay kasoo go'do Timirta oo iyada gobolka Bari uu caan ku yahay.

Axmed Cabdi Gaanbe oo kamid ah odayaasha tuulada Karin ayaa shabakadda HOL u sheegay in dabku uu markii hore ka bilowday mid kamid ah beeraha, haseyeeshee uu markii danbe ku fidahay beerihii kale ee ay deriska ahaayeen.

Gaanbe ayaa sidoo kale sheegay in dabku uu muddo saacado ah baxayey, maadaama ay demintiisa caqabad ku noqotay dabaysha xagaaga oo sanad walba xiligan inta badan gobolada dalka ka dhacda.

Ilaa iyo hadda ma jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso oo gaarey tuulada Karin si ay xaalada ugu kuur galaan una soo qiimeeyaan khasaaraha uu dabkaasi geystey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Puntland