5/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Murashaxiin ku shiray Muqdisho oo sheegay inay Mideynayaan Awooddooda si ay uga qaybgalaan doorashada Madaxnimo ee dalka
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Siddeed murashax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho ka sheegay inay mideynayaan awooddooda si ay uga qaybgalaan doorashada madaxnimo ee dalka Soomaaliya.

Musharaxiintan oo ay ka mid ahaayeen, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) iyo Xasan Sheekh Maxamed, iyagoo sheegay inuu qorshahoodu yahay inay mid iyaga ka mid ah u doortaan inuu doorashada uga qaybgalo maadaama ay dhinaca fikirka ka mideysan yihiin.

"Waxaanu ogaannay in dadka jagada sare u tartamaya ee mucaaradka haddii aysan isku tegin oo ay kala firirsan yihiin inay fursad u siinayaan dowladda markaas jirta in ay soo laabato. Sidaa daraadeed waxaan toddobaadyada soo socda ku dhawaaqi doonaa qorshihii aan uga qaybgeli lahayn doorashada si mid inaga mid ah uu ugu guuleysto doorashada," ayuu yiri Prof. Axmed Ismaaciil oo la hadlay saxaafadda.

Sidoo kale, murashaxiintan ayaa waxay soo dhaweeyeen warbixintii Qaramada Midoobay ee ku saabsanayd lunsiga hatida Qaran ee lagu eedeeyay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.

"Waxaan soo dhaweynaynaa warbixinta, waxaana golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uug baaqaynaa inuu mudnaanta koowaad siiyo warbixintaas iyo talooyinkii lasoo jeediyay si loo helo xalka siyaasadeed ee Soomaaliya looga hortago halis ku timaadda amniga Soomaaliya," ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo isaguna la hadlay warbaahinta.

Murashaxiinta ayaa waxay walaac xooggan muujiyeen faragelin ay sheegeen inay madaxda dowladda KMG ah ku hayaan xulista xildhibaannada dalk, iyagoo xusay in tani ay sabab u noqon karto inuu burbur ku yimaado qorshaha Soomaaliya loogu sameynayo dowlad joogto ah.

"Haddii madaxda dowladda ay ku sii socdaan musuq-maasuqa ay ku hayaan xulidda xildhibaanka waxaan shaki ku jirin inay caqabad ku noqon karto howsha la doonayo in Soomaaliya ay uga baxdo xilliga KMG ah. Waxaana caalamka iyo Soomaalidaba ka codsanaynaa inay arrintaas tallaabo cad ka qaataan, waayo arrintan rajo beel ayay gelinaysaa nidaamka dowlad-dhisidda Soomaaliya waana arrin xanuun badan," ayuu yiri Xasn Sheekh.

Ugu dambeyn, murashaxiintan waxay soo jeediyeen in guud looga wada qayb-qaato hanaanka looga baxayo xilliga KMG ah, waxayna ku baaqeen in laga digtoonaado in musuqmaasuq lagu sameeyo doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Baaq ay Muqdisho kasoo saareen murashaxiintan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda la ansixiyo dastuurka qabyada ah ee dalka iyo in lasoo xulo xildhibaannadii bisha Ogoosto ee soo socota dooran lahaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/31/2012 3:43 PM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) - Dab geystey khasaare maaliyadeed oo xoogan ayaa gelinkii danbe ee shalay ka kacay deegaan beereedka Karin oo qiyaastii 30km magaalada Boosaaso waqooyiga kaga beegan.

7/31/2012 2:54 PM EST
Talaado, July 31, 2012— Madaxda wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha ka howlgala Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe. kulankan oo ahaa mid ay wasaaradu soo qaban qaabisay waxaa looga wada hadlayey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha uu Isbitaalku qabo, adeega uu bulshada u hayana loo dar dar gelin lahaa.

7/31/2012 2:38 PM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) - Qabuuraha Cir-jiife ee magaalada Gaalkacayo waxaa duhurnimadii maanta lagu aasay AHN nabadoon Cabdilaahi Maxamed Xasan (Farey) iyo walaalkiis Cismaan Maxamed Xasan, kuwaas oo ay xalay dabley Baaskoolado ku hubeysni ku dileen gudaha xaafadda Israac.

7/31/2012 1:07 PM EST
Talaado, July 31, 2012(HOL): Waxaa caawa Salaaddii maqrib kaddib Muqdisho lagu dilay Majaajiliiste ay si weyn u yaqaaneen dadka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jeylaani (Marshaale), waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan.

7/31/2012 9:49 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton ayaa lagu wadaa inay madaxda Soomaaliya kula kulanto bisha soo socota ee Ogoosto magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo ay booqasho ku imaanayso.

7/31/2012 9:41 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa looga dhawaaqay maanta isbahaysiga madaxa-bannaan ee turxaan-bixinta Soomaaliya, kaasoo uu guddoomiye u yahay Xasan Shire Sheekh.

7/31/2012 8:35 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Taliyaha Booliska Somaliland Jen: Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in hawlgal balaaran oo ciidanka Boolisku ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa ay kusoo qabqabteen illaa kontomeeyo tuug kuwaasoo maalmihii u dambeeyey falal tuuganimo ah kula kacayey dadweynaha.

7/31/2012 7:08 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Kulankan ayaa looga hadlay sidii ay wada-shaeyn u dhexmari lahayd ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatadii furay maxjarka Ancaam iyo ganacstada Soomaaliyeed ee dhoofisa xoolaha.

7/31/2012 6:54 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay shan kalena waxay k dhaawacmeen qarax ciidammo ka tirsan DKMG ah lagula eegay degmada Yaaqshiid iyo shil gaari oo ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

7/31/2012 6:41 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Barnaamij loogu magacdaray Baraarug oo haya'dda CRD ay soo qabanqaabisay laguna maalgelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shalay oo Isniin ahayd lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen boqolaal dhallinhyaro ah.

7/31/2012 2:46 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ayaa xalay dhac baahsan ka geystay xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo falkan uu imaanayo xilli madaxweynaha DKMG ah oo shalay booqday degmadaas uu amar ku bixiyay in laga hortago falalka dhaca ah ee ay geysanayaan ciidamada dowladda.

7/31/2012 2:45 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa si rasmi ah u furantay shalay oo Isniin ahayd dacwad ay afar urur siyaasadeed oo qiimeyntii ururada ku hadhay ku soo oogeen guddidda Diiwaangelinta ururadda yo Axsaabta qaranka.

7/31/2012 2:41 AM EST
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Waqooyiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug nabaddoon caan iyo nin la dhashay, iyadoo sidoo kale ay kooxo hubeysan ku dileen degmada Baydhabo shalay gallinkii dambe nin taksiile ah.