4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Dilal Qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay iyo Degmada Gaalkacyo
Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Waqooyiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug nabaddoon caan iyo nin la dhashay, iyadoo sidoo kale ay kooxo hubeysan ku dileen degmada Baydhabo shalay gallinkii dambe nin taksiile ah.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo oo ay Puntland ka taliso ayaa sheegay in nabaddoonka iyo walaalkiis la dilay xilli ay kasoo baxeen masaajid ay ku tukadeen salaaddii maqrib, kooxaha dilka geystayna ay baxsadeen.

"Waxaan socda baaritaanno lagu raadinayo kooxihii dilka labada ruux geystay, kani waa fal aad looga naxo," ayuu yiri taliyaha qaybta gobolka Mudug ee Puntland, Jaamac Maxamed Axmed oo saxaafadda la hadlay.

Nabaddoonka la dilay iyo walaalkiis ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: C/llaahi Maxamed Xasan iyo Cismaan Maxamed Xasan, iyadoo la sheegay in maalmahan ay wadeen dadaal lagu adkeynayo ammaanka degmada Gaalkacyo, waxaana dilalkan ay qayb ka noqonayaan dilal horay loogu geystay shacab, shaqaale dowladeed iyo nabaddoon.

Sidoo kale; kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa degmada Baydhabo ee gobolka Bay ku toogtay nin taksiile ah, iyagoo ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan, lama oga sababta keentay in la dilo ruuxaas taksiilaha ah.

Maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaan ka hadlin dilak degmadaas loogu geystay, iyadoo sidoo kale aysan jirin cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka loo geystay taksiilahan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya