4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2012
Wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo shaqada ka joojisey Dhakhaatiirta ka hawlgala goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

 Khamiis, July 26, 2012-Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa soo saartay amar si kumeel gaar ah shaqada looga joojinayo shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

 

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka ee Puntland Dr. Cali Cabdilaahi Warsame ayaa lagu sheegay in shaqaalaha caafimaadka ee ajnebiga ahi aysan shaqeyn karin laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 26-7-2012.

 

Wareegtada kasoo baxday xafiiska wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay, in laga rabo shaqaalaha caafimaadka ee aan Soomaalida ahayn in ay muddo 7-maalmood gudahood ah isku soo diiwaan geliyaan.

 

Madaxda wasaaradda caafimaadka ayaa dhinaca kale tilmaamay  in sababta xiligan ay talaabada noocan ah u qaadayaani ay tahay, si loo hubiyo aqoonsiyada dadka ajnebiga ah ee xirfadda caafimaadka Puntland kaga shaqeysta iyo weliba shahaadooyinka ay haystaan.

Arintan ayaa timid kadib markii dhowaan la qabtay 3 qof oo u dhashay dalka Kenya, kuwaas oo sheegtay in ay dhakhaatiir yihiin, haseyeeshee baaritaan kadib la ogaadey in ay wataan shahaadooyin been abuur ah.

 

Sadexdan qof oo muddo 2-sano ku dhow ka shaqeynayey qaar kamid ah gobolada Puntland, islamarkaana ay wasaaradda caafimaadku amar ku bixisay in sida ugu dhaqsaha badan dalka looga musaafuriyo waxaa lagu kala magacaabaa.

 

1-Naomi Manjiru Manyoike.

2-Claric Minapo Juma.

3-Robin Kingoina.

 

Puntland oo ay sanadihii u danbeeyey si aad ah ugu soo badanayeen goobaha caafimaadka ee yar yar iyo weliba Isbitaalada gaarka loo leeyahay, waxaa ka howl gala shaqeele ajaanib ah oo u badan dhakhaatiir u kala dhashay dalalka: Kenya, Masar, Yemen iyo India.

 

Waana markii ugu horeysey ee ay dowladu soo saarto amar noocan oo kale, waxaana arintan si aad ah usoo dhoweeyey in badan oo kamid ah waxgaradka bulshada iyo bahda caafimaadka, iyagoo xusay in ay tahay talaabo mudneynd in hadda kahor ay wasaarada caafimaadku qaado.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Somalia