3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2012
Shirweynihii Ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo maalintii galay iyadoo laga doodayo Qodobbada Dastuurka Cusub

Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Shirweynihii ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa maalintii labaad galay iyadoo ergadu ay ka doodayso qodobbada dastuurka, inkastoo aysan awood u lahayn inay wax ka bedel ku sameeyaan.

Shirkan oo socon doona sagaal maalmood ayaa waxaa looga fadhiyaa ergada inay dastuurkan qabyada ah ansixiyaan, waxaana markaas kaddib ay gudo geli doonaan sidii ay u soo xuli lahaayeen xildhibaannada cusub ee Soomaaliya oo wax ka bedeli doona dastuurka soona dooran doona hoggaanka dowladda cusub ee Soomaaliya.

"Dastuurka wixii khalad ah ee aad ku aragtaad waa inaad caleemeysaan, si loo horgeeyo xildhibaannada cusub," ayuu madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh uu ku sheegay khudbad uu furitaankii shirka ka jeediyay shalay.

Wararka laga helayo goobta uu shirku ka socdo ayaa waxay sheegayaan inay ku sugan yihiin xubno kormeerayaal oo ka socda beesha caalamka, sidoo kalena ay ku sugan yihiin guddigii farsamo ee loo saaray xulista ergooyinka.

Sagaalka maalmood ee uu shirku socdo ayaa waxaa laga yabaa inay dooddo kulul dhexmaraan ergooyinka maadaama ay jiraan qodobbo ka tirsan dastuurka oo weli uu muran ka taagan yahay, waxaase looga fadhiyaan ergadan inay si duu-duub ah ku ansixiyaan dastuurka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa khubadiisii shalay uu furitaanka shirka ka jeediyay ku sheegay in dastuurka oo la ansixiyo ay tahay mid fududeynaysa inay Soomaaliya ka guurto xilliga KMG ah ayna u guurto xilli cusub oo ay yeelato dowlad joogto ah.

Ansixinta dastuurka ayaa waxaa barbar socda xulista xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo laga sugayo inay ergooyinku ku dhawaaqaan, maadaama ay bisha Ogoosto ee sannadkan ku egtahay xilliga ay dowladda KMG ah shaqeynayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/26/2012 10:27 AM EST
Khamiis, July 26, 2012-Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa soo saartay amar si kumeel gaar ah shaqada looga joojinayo shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

7/26/2012 8:32 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah ka dhacay dibadbax lagu dalbanayo in xilliga KMG ah lasoo gabgabeeyo 20-ka bisha Ogoosto ee soo sannadkan iyo in la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah.

7/26/2012 8:16 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee ku sugna Baydhabo oo 100 askari ka kooban ayaa waxay isku diyaarinayaan inay la wareegaan sugidda amniga degmada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay tageen bishii Abriil ee sannadkan.

7/26/2012 7:55 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Labaddii sano ee u dambeeyey ayaa dadweynaha Somaliland ku baraarugeen inay iskood u samaystaan wadooyinka deegaanadoodda, si ay horumarka, ganacsiga iyo isku xidhnaanta magaalooyinkoodu u fududaato.

7/26/2012 7:27 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya oo ku taariikheysnayd 23-kii bishan oo aan weli saxaafadda loosoo bandhigin ayaa lagu sheegay in gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol oo lagu kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare.

7/26/2012 6:56 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha Afrika ee Birtain, Henry Bellingham ayaa soo dhaweeyay warbixinta kooxda la-socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ay kasoo saareen Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida looga qabo in horumar dheeri ah laga sameeyo kor-u-qaadista daah-furnaanta Soomaaliya iyo in la hubiyo in Ku-meel-gaarnimada lagu soo gebagebeeyo waqtigii loogu talo-galay.

7/26/2012 5:04 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Deegaanka Beergadiid oo qiyaastii 48km u jira magaalada Baladweyne oo xarunta gobolka Hiiraan ayaa la dhagax-dhigay markii ugu horeysay Isbitaal ay yeelanayaan bulshada ku dhaqan deegaannkaas oo dhibaato xoog leh ku qaba dhinaca adeega caafimaadka.

7/26/2012 5:04 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay shirweynaha ansixinta dastuurka ee shalay oo Arbaco ahayd ka furmay Muqdisho, iyagoo ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda, ammaanka iyo deggenahaashaha Soomaaliya, xitaa haddii laga gudbo xilliga KMG ah.