4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2012
Shirkii Ansixinta Dastuurka Qabyo-Qoraalka Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta uga furmay Magaalada Muqdisho

Arbaco, July 25, 2012 (HOL) — Waxaa goor dhaweyd si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho shirka ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, iyadoo la adkeeyay ammaanka guud ee halka uu shirku ka furmayo iyo wadooyinka Muqdihso qaarkood.

Furitaanka shirka ayaa waxaa hadallo ka jeedinaya madaxda DKMG ah, dajire Augustine Mahiga iyo xubno ka socda ururka Midowga Afrika, iyadoo ay goobta shirka ku sugan yihiin ergadii ansixin lahayd dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

"Ergada shirka ka qaybgalaysa 90% waxay ku sugan yihiin goobta, inta dhimanna dib ayay ka imaan doonaan," ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka jeediyay hadal goobta uu shirku ka socdo, isagoo xusay in shirku uu socon doono sagaal maalmood.

Wasiirku wuxuu sheegay in shirkan uu xigi doono shirka lagu soo bandhigi doono magacyada xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, kuwaasoo bedeli doona kuwa hadda jooga soona dooran doona guddoomiyaha baarlamaanka, ku xigeennadiisa iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa horay u sheegay in shirkan lagu ansixinayo dastuurka uu yahay mid looga gudbayo qodobkii ugu weynaa ee heshiiska tubta nabadda kaasoo ah in dastuurka la meel-mariyo, isagoo xusay inaysan suurogal ahayn in dowladda cusub la dhiso iyadoo aanu dastuur jirin.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ayaa adkeeyay goobta shirka iyo waddooyinka galaya oo dhan, iyadoo ergooyinka shirka ka qaygalaya, odayaasha iyo marti-sharafta kale la marsiiyay baaritaanno adag.

Shirkan oo illaa saddex jeer oo hore baaqday ayaa wuxuu furitaankiisa noqonayaa caqabad weyn oo ay ka gudubtay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo xilligeedu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya