4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Hoggaamiyaha SSC oo sheegay in loo baahan yahay Nabadda iyo Madaxweynayaasha Khaatumo oo xilkii la kala wareegay

Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Hogaamiyaha SSC Dr: Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye), ayaa shalay si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Buuhoodle, waxaana halkaasi kaga hor yimid ciidamada SSC oo tiknikadoodda ku gaashaaman iyo dadweyne aad u farobadan.

Guddoomiyaha Xaglo Toosiye ayaa sheegay in wada hadalkii dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo isaga uu ku qotomay sidii deegaanadan nabad loogu soo dabaali lahaa, oo qolaba dhankoodda nabad u qaadan lahayd, waxaanu sheegay in xabadi xal ahayn ee uu aaminsan yahay in wax kasta lagu dhameeyo nabad, maadaama oo cid waliba aragtay dhibaatadda colaaddu leedahay.

"waxaan u mahad celinayaa shacabka reer Buuhoodle ee sida sharafta leh ee tolnimada leh noogu soo dhoweeyey magaaladda Buuhoodle"ayuu yidhi Saleebaan Xaglo Toosiye oo meel fagaare ah kala hadlayey dadweynaha reer Buuhoodle.

Mar uu ka hadlayey kulankii dhex maray isaga iyo madaxweyne Somaliland waxa uu yidhi "waxaanu ka wada hadalnay danta iyo nabadgalyadda sidii aanu uga wada shaqayn lahayn, nabaddu waa muqadas waana waajib, xabaduna xal maaha, in nabad lagu wada noolaado cid walba dan baa ugu jirta", waxaanu intaas ku daray " in ciidamadda la kala qaado, dadka isku deegaanka ah ee aan kala maarmi Karin wixii jira la dhameeyo oo la nabadeeyo, wixii maxaabiista ah ee la kala haystana la isku celiyo, dadkani waa soomaali meelna kala tagi maayaan, waana dad wada dhashay oo isku deegaan ah qolo waliba helaan nabad lagu noolaado" ayuu yidhi hogaamiyaha SSC Xaglo Toosiye.

"cid walibana way ka daashay xabaduna xal maaha, waxa jira dad faro badan oo nabadda diidan, colaadana wax ku tarin, kuwaas waxa aanu leenahay waxba la idinka weydiin maayo, reer Buuhoodle ayey nabadu ka go’daa, wax allayaale wixii xal ah ee nabad lagu helayana waanu soo dhoweynaynaa"ayuu yidhi mar uu ka hadlayey muhiimadda Nabaddu leedahay.

Bishan horaanteeddii ayey madaxweynaha Somaliland iyo Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye ku kulmeen wadanka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaaladda Dubai, kuwaas oo ka wada hadlay sidii deegaanadaasi nabad looga dhalin lahaa, isla markaana dib u dhaca ragaadiyey wax looga qaban lahaa, la iskana kaashan lahaa horumarinta deegaanadaasi.

Dhinaca kale, waxa munaasibad balaadhan oo ka dhacday magaaladda Taleex xilkii madaxweyneha maamulka Khaatumo la wareegay Md:Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho Shabeel), waxaana xilkaasi ku wareejiyey madaxweynihii muddada xilkaasi hayey Md:Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Xilka madaxweynenimo ee maamulka Khaatumo ayaa ah mid meerto ah oo lixdii biloodbna madaxweyne kale oo sugge ahi xilkaasi la wareego, waxaana shirkii Taleex ka dhacay lagu ansixiyey saddax madaxweyne oo maamulku yeesho oo marka uu muddo madaxweyne waddo ka kale ku wareejiyo.

Madaxweynihii hore ee xilka wareejinayey Axmed Karaash iyo golihiisii wasiiradda ayaa ka warbixiyey mudadii ay xilka hayeen waxyaalihi ay qabteen, waxayna madxweynaha cusub u balanqaadeen inay la shaqayn doonaan.

Madaxweynaha cusub Md: Maxamed Yuusuf (Indho Shabeel), ayaa isna sheegay inuu halkaasi ka sii amba qaadi doono, mudadaasi uu xilka hayana waxqabadyo ku soo kordhin doono.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland