4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2012
Maamulka Boosaaso oo xarigga ka jaray labo waddo oo laami la saaray

Khamiis, August 2, 2012 (HOL) - Waxaa maanta xarigga laga jaray labo kamid ah jidadka waaweyn ee magaalada Boosaaso kuwaas oo bilihii u danbeeyey dayactirkooda lagu howlanaa.

Munaasabadii waddooyinkan lagu daah furayey oo ka dhacday xarunta dowladda hoose, waxaa kasoo qayb galay maamulka degmada, guddiga horumarinta degmada, iyo weliba mas'uuliyiin ka socdey qaar kamid ah shirkadaha waaweyn ee ganacsiga.

Duqa degmada Boosaaso oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyey qaabkii uu mashruucaasi ku hirgalay iyo weliba cidda gacanta ka geysatey, wuxuuna sheegay in uu ahaa mashruuc tijaabo ah, islamarkaana uu guul kusoo idlaaday.

“Sanadkan waxaa la dayac tiray 4 kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada, waxa Laami la saaray labo kuwaasoo kala ah: jidka Gaaca iyo qaybtii ka burbur sanayd jidka weyn ee magaalada kala bara"

Xoghayaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso -oo iyagu howshan inteeda badan qabtay- Cabdifataax Maxamed Sugulle ayaa isna goobta ka hadlay, wuxuuna sharaxaad ka bixiyey dhaqaalaha mashruucan ku baxay iyo kaalinta ay iyagu ka qaateen.

Dayactirka jidka Gaaca oo uu dhererkiisu yahay 1.4km, wuxuu sheegay in ay ku baxday lacag dhan: ($106,869.6), taas oo $70,000 oo kamid ah ay gudiga horumarinta degmadu soo ururiyeen, inta kalena ay ku deeqeen dowladda hoose iyo JPLG.

Cabdifataax Sugulle ayaa sidoo kale sheegay in dayactirka Laamigii hore oo dherkiisu uu 1.1km yahay ay ku kacday aduun lacageed oo gaaraya ($102), isalamarkaana dhaqaalahaas ay kala bar ganacsatadu ku deeqeen.

Intaas kadib waxay dowladda hoose shahaado sharaf gudoonsiisey shirkadihii mashruucan sida weyn uga qayb qaatay oo ay kamid ahaayeen : Golis, Mareero spare parts , Baxaya spare parts, Muwaafaq, Horseed Saabir iyo weliba xubnaha guddiga horumarinta ee degmada Boosaaso.

Mashruuca labadan waddo lagu dayac tiray oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee abid magaalada Boosaaso laga fuliyo, waxaa soo dhoweeyey dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo tilmaamay in uu yahay mid laga dheehan karo kaalinta ay ganacsatadu ka qaadaan karaan horumarka dalka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia