4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Diyaarado Dagaal oo Dul-heehaabaya Hawada Magaalo Xeebeedda Kismaayo kuwaas oo cabsi geliyay Shacabka

Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Diyaarado nooca dagaalka oo aan illaa imika la garaneyn cida iska leh ayaa shalay ilaa maanta si weyn ugu dulwareegaya magaalada Kismaayo, iyadoona diyaaradahani ay qalqal ku abuureen shacabaka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Diyaaradahan oo ah ilaa laba diyaaradood ayaa waxa ay ku dulwareegayaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, iyadoona guuxa diyaaradaha uu dhagaha ka qabsaday shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo 00 ka gaabsaday magaciisa ayaa HOL u sheegay in diyaaraduhu ay si aan caadi ah ugu wareegayaan magaalada, wuxuuna sheegay in dadka ku dhaqan magaalada ay lasoo darastay cabsi ay ka qabaan in diyaaradahani ay duqeymo ka geeystaan degmada Kismaayo.

Arrintani ayaa kusoo beegmaysa xilli mudooyinkii u danbeeyay ay isa soo tarayeen hanjabaado kasoo yeerayay madaxda dowladda KMG iyo kuwa Kenya, kuwaa oo ku aadanaa in bishan August ay weerar cir iyo dhul ah ku qaadi doonaan magaalada Kismaayo.

Gobollada Jubooyinka oo ay inta badan gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab ayaa aalaaba waxa ka dhaca duqeymo ay diyaaradaha Kenya ka geeystaan, waxa ayna arintaasi keentay in qoysas fara badan ay ka barakacaan deegaanadooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya