4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2012
Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Fatahaadda Webiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne


Jimco, September, 28, 2012 (HOL) – Xaalad adag ayaa soo food saartay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan kadib markii uu xalay ku fatahay inta badan xaafaddaha magaalada wabiga Shabeelle.

 

Fatahaadan ayaa waxaa sababay roob xoog leh  oo qaatay in ka badan Sagaal sacadood oo xiriir ah, taasoo keentay in uu buux dhaafo wabiga Shabeelle biyahana ku soo celiyo xaafaddaha degmada.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaare xoog leh oo ka dhashay fatahaada ku dhuftay magaalada Baladweyne, waxaana dadka ku geeriyooday ilaa iyo hadda ay ku kor u sii dhaafayaan 10 ruux oo u badan caruur.

 

Sidoo kale biyuhu waxaa ay baabi’iyeen oo ay dul mareen xaafaddo dhowr ah, iyadoo ay jiraan dad ilaa iyo waqtiga ku dhax go’doonsan xaafaddaha una baahan in loo gurmado.

 


Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo arintan ka hadllay waxaa ay sheegeen in inta badan la oran karo xaafaddaha magaalada dadka ku dhaqan waa ay ka baxeen, iyaga oo ugu baaqay hay’addaha samafalka in gar gaar lala gaaro dadka guryo beelay fatahaada.

 

Waxaa saakay la arkayay gadiid ay leeyihiin ciidamada Jabuuti ee dhawaan gaaray magalada Baladweyn oo qoysaska qaarkood ka daabulaya xaafaddaha ay fatahaadu ku dhuftay, walow dadka intooda badan ay naftooda maareynayaan.

 

Marka aad la sheekeysato waxgaradka iyo odayaasha waayo jooga ah ee Baladweyne, waxaa ay kuu sheegayaan in Roobkii xalay ka da’ay magaalada uusan aheyn mid inta la xasuuto horay u soo maray  magaalada, waxaana ay kuu sheegayaan haddii uu ay roobabku sii da’aan xaaaladu inta ka sii darri karto.






 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya.