4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2012
Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay gargaar bani'aadamnimo oo Dadweynaha Ciraaq ay ugu deeqeen Shacabka Soomaaliyeed
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa la wareejiyay deeq bani'aadamnimo oo shacabka dalka Ciraaq ay ugu deeqeen shacabka Soomaaliyeed, iyadoo markabka waday deeqdan oo culeyskeedu yahay 13,500 tan uu shalay oo Axad ahayd kusoo xirtay dekedda Muqdisho.

Gargaarkan ayaa waxaa la wareegay wasiirka beeraha iyo xannaanada xoolaha, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyadoo ay la socdeen mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ee uu warqtigeedu dhammaadka yahay.

"Deeqdan waxaa soo dhiibay shacabka dalka Ciraaq waxayna ugu talogaleen inay ku caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed oo ay doonayaan inay xilli walba garab taagnaadaan," ayuu yiri Qaasmin oo ah kabtanka markabka deeqdan keenay oo laga leeyahay dalka Ciraaq.

Raashinkan gargaarka ah ayaa isugu jira qaybaha kala duwan ee cunnada, waaana markii ugu horreysay oo Ciraaq gargaar noocan oo kale ah soo gaarsiiso Soomaaliya iyadoo la xusuusto in dalkaas ay ka dhaceen dagaallo xilka xukuumaddii dalkaas ka jirtay ee uu horkacayay Sadaam Xuseen oo ugu dambeyn lagu daldalay Baqdaad.

Sidoo kale, wasiirka beeraha ayaa kormeer ku tagay qaybaha ay ka kooban tahay dekedda Muqdisho, isagoo warbixinno ka dhageystay maamulka dekedda iyo xubno ka tirsan wasaaradda gaadiidka gaadiidka, cirka dhulka iyo dekedaha Soomaaliya.

“Mudane dekedda wax badan ayaa iska bedelay sidii ay ahayd, maanta waa mid ka wanaagsan sidii hore, inkastoo bad xiranka hadda laga baxayo dhaqaalahana uu soo wanaagsanaan doono, iyadoo dekeddu ay tahay isha ugu weyn ee ay dowladda Soomaaliya ka hesho dhaqaalaha,” ayuu yiri maareeyaha dekedda Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda oo isaguna meesha ka hadlay ayaa sheegay in wax laga bedeli doono qaabka canshuuraha looga qaado ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoona lagu qaadi jiray canshuura qaab macmiil ah, balse ay hadda kaddib wasaaraddu sameyn doonto qaab canshuuraha lagu qaado.

Ugu dambeyn, wasiirka beeraha ayaa ugu baaqay ganacsatada inay canshuuraha bixiyaan si amaanka dalka loo adkeeyo isla markaana ay ka qeyb-qaataan dhisidda dalka. Isagoo xusay in canshuurta oo la bixiyo ay muhiimad gaar ah u leedahay sidii ay ciidamada dowladdu u heli lahaayeen mushaaraadkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya