4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Wakiilka cusub ee EU u qaabilsan Soomaaliya oo maanta Garoowe soo gaarey lana kulmay madaxda Puntland

Axad, September 23, 2012 (HOL) - Magaala madaxda Puntland ee  Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi  uu horkacayo wakiilka cusub ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan. Wefdigan oo si diiran loosoo dhoweeyey, waxay xarunta madaxtooyada kulan kula qaateen madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ku-xigeenkiisa Gen. Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Kulanka oo ahaa mid muddo kooban qaatay, islamarkaana ay Saxaafaddu banaanka ka joogtey, waxaa markii uu soo gaba gaboobey si wada jir ah warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay madaxweynaha Puntland iyo ergeyga midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegay in ay si aad ah ugu faraxsanyihiin booqashada uu xiligan Michal Caravan ku yimid Puntland, isagoo intaas raaciyey in ujeedkeeduna uu yahay sidii ay isu baran lahaayeen, xiriirkana loo xoojin lahaa.

“Waxaa booqasho noogu yimid ergey cusub oo bedley kii horay midowga Yurub ugu qaabilsanaa Soomaaliya, si aan isu barano una sii adkeyno xiriirka wanaagsan ee aan midowga Yurub la leenahay iyo si aanu isaga waraysano wejiga cusub ee uu dalku galay” madaxweyne Faroole ayaa yiri.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay midowga Yurub in ay kordhiyaan deeqdii ay Soomaaliya siin jireen, maadaama uu dalku kumeel gaarnimadii ka baxay, wuxuuna intaas ku daray in hadda kadib loo baahan yahay in ay deeqahooda kusoo hagaajiyaan hay’adaha dowliga ah.

Caravan oo isna si kooban warfidiyeenada ula hadlay ayaa xusay in uu ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid Puntland, islamarkaana uu mahad balaaran u jeedinayo madaxda Puntland oo uu sheegay in kulankii uu la qaatay uu si aad ah ugu riyaaqay si fiicanna ay isu fahmeen.

Hadaladiisina waxaa kamid ahaa “Midowga Yurub Soomaaliya mudadii burburka wuxuu lasoo garab taagnaa dadaal hiil iyo hooba leh, hadda kadibna wuu sii wadi xoojin doonaa maadaama uu dalku kumeelgaarnimada ka baxay, oo dowlad rasmi ahi ay dhalatay”.

Michal Caravan oo ah ergeyga cusub ee EU u joogi doona Soomaaliya wuxuu kahor intii uusan Garoowe soo gaarin soo maray magaalada Hargeysa, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxda Somaliland gaar ahaan madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya