4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2012
Shirkadda Xawaaladda Dahab-shiil oo deeqdii ugu ballaarneyd gaarsiisay dadkii ka barakacay fatahaaddii Magalada Baladweyne

Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Shirkada Xawaaladda Dahab-shiil ayaa maanta gaarsiisay deeqdii ugu balaarneyd dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta shirkada Dahabshiil ee gobollka Hiiraan ayaa HOL u sheegay in lacag dhan $120,000 oo doolar shirkadu ugu talagashay gacan siinta dadkii ay saameynta ku yeesheen biyihii dhawaan ku rogmaday inta badan xaafaddaha magaalada Baladweyne.

Illaa 3000 oo qoys ayeey maanta gaarsiisay shirkada Dahabshiil deeq isugu jirtay Bur, Bariis, iyo Saliid, iyadoo ay ka faa’ideysteen dadkii ugu sii jilicsanaa guud ahaan marka la eego qoysaska ay saameynta ku yeelatay fatahaada.

Axmed Xusseen Cabdi Makaraan oo shirkada wakiil uga ahaa deeqda ayaa sheegay in ay diirada saarayaan dadka qaba baahda dhabta ah, islamarkaana shirkada xoogga saari doonto in cid kasta ay ka faa’ideysto deeqda.


‘’Waxaan hadda ka qeybinay halka ugu balaaran oo ay dadku ku barakaceen oo ah deegaannka Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne, waxaan tagi doonaa goob kasta oo ay ku sugan yihiin dadka ay saameynta ku yeelatay fatahaada,’’ ayuu yiri Axmed Xusseen Cabdi Makaraan.

Inkastoo guud ahaan marka la eego ay jiraan shirkado iyo shaqsiyaad gaar ah oo maalmihii ugu danbeeyay gargaar kala duwan gaarsiiyay dadka barakacayaasha ah, ayaa haddana dhinaca kale waxaa xusid mudan in deeqda maanta ay gaarsiisay shirkada Dahabshiil dadkaasi in ay tahay tii ugu balaarneyd oo ay ka faa’ideystaan tiro qoysas ah oo intaa leg.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay u caawiso shirkada dadka ay ay saameynta ku yeeshaan dhibaatooyinka ay ka mid yihiin fatahaada iyo abaaraha, waxaana marar badan oo hore ay shiradu sidan oo kale gacan mug leh ka geystay xaalado kala duwan oo la soo darsay bulshada ku dhaqan gobollka Hiiran.

Ugu dambeyntii, wali waxaa jirta qeylo dhaanta ku aadan sidii loo caawin lahaa dadkii dhawaan ku barakacay biyihiin ka soo rogmaday wabiga Shabeelle, kuwaasoo waqtigan daadsan daafaha magaalada Baladweyne.




C/raxmaa Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya