4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Uganda

Isniin, October 08, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta markii ugu horreysay dalka dibaddiisa safar ugu amba baxay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ee dalka Uganda.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu dalka Uganda ku tegay casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri K. Museveni oo dalkiisa uu u dabaaldegayo sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay xornima Uganda.

 

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka degay garoonka diyaaradaha Entebbe ayaa waxaa la guddoonsiiyay ubax soo dhaweyn ah, kaasi oo ay wadday gabar yar, waxayna soo dhaweyntu ahayd mid diirran.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa uu hadal kooban siiyay saxaafadda, wuxuuna ka warbixiyay safarkiisa iyo waxa uu ku saabsan yahay.

 

"Waxaan u baxayaa safakeygii ugu horreeyay ee aan dibadda u aado, waxaana ka qayb-galayaa munaasabad lagu weyneynayo sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay xorriyada Uganda iyadoo uu igu casuumay  munaasabadda madaxweyaha Uganda Yoweri Museveni" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

 

"Si dhaqso ah ayaan dalka ugu soo laabanayaa, waayo shaqooyin badan oo talooyinkeyga u baahan ayaa dalka ka socda; inta aan maqanahayna waxaa howlaha socda lagala tashanayaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari" ayuu  hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha.

 

Ugu dambeyntiina, Madax badan oo ka socota dalalka Afrika  iyo caalmka ayaa sidoo kale munaasbaddan ka qeybgalaya, waxaana dalka Uganda ka socda u diyaargarowga weyneynta maalinta Xorriyadda Uganda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]