4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Shirkadda Hormuud oo ballan-qaaday bixinta Mushaaraadka Macallimiin wax ka dhiga Iskuul dadka Dhagaha la' ay wax ku bartaan
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ballanqaaday inay bixinayso mushaaraadka macallimiinta wax ka dhiga laba iskuul oo ay wax ka bartaan dadka dhegaha la'a oo Muqdisho ku yaalla kaddib kulan ay la yeelatay mas'uuliyiinta iyo qaar ka mid ah ardayda iskuulladaas wax ka barta.

Iskuulladan ay dadka dhegaha la' wax ka barataan ayaa waxay ku kala yaallaan xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir iyo xaafadda Laba-dahgax ee degmada Wardhiigley, iyadoo shirkaddu ay sheegtay inay macallin mushaar siinayso muddo lix bilood ah oo ka billaabanaysa bishan Oktoobar.

"Shirkaddu waxay qiimeyn ku sameyn doontaa sida lagu sii wadi karo iskuullada ay wax ka bartaan dadka dhegaha la' oo aanay jirin cid kaalmeysa xilligan," ayuu yiri mas'uul ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

Urur ay xubno ka yihiin dadka dhegaha la' oo si iskood ah isugu xil-qaamay ayaa ku guuleysatay furinaanka iskuulladan, waxaana wax ka barta dad badan oo dhego la' kuwaasoo isugu jira dad waaweyn iyo caruur.

Tallaabadan ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyay ardayda dhagoolayaasha ah ee wax ka barta iskuulladan iyagoo shirkadda ka codsadeen inay waddo adeegyada ay u heyso dadka lixaadaha la’ oo ay ku adkaatay inay helaan waxbarasho ku filan sida dadka lixaadkoodu dhan yahay oo kale.

Shirkadda Hormuud ayaa dhawaan dib u furtay Iskool ay wax ku bartaan dadka indhaha la' kaasoo ay shirkaddu bixin doonto kharashka ku baxaya illaa ardaydu ay ka gaarayaan heer jaamacadeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya