4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Somalia oo sheegay inay isku xirayaan Baladweyne, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo

Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay isugu furaan magaalada Muqdisho, degmada Baydhabo ee gobolka Bay, degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Jen. Dhego-badan ayaa sheeagy in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Baydhabo, kaddib markii ay la wareegeen degmada Wanla-weyn oo u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

"Qorshaheennu waa inaan isku furno magaalada Muqdisho, Baydhabo, Baladweyne iyo Kismaayo; howgalkaasuna wuu socdaa, dhawaanna waa la arki doonaan iyadoo degmooyinkaas la isku gudbayo iyadoo dhulka la isticmaalayo," ayuu abaanduuluhu ku sheegay isagoo saxafadda kula hadlayay Muqdisho.

Sidoo kale, abaanduuluhu wuxuu sheegay inay tahay muhiim qabsahada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose, isagoo xusay inay marto waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo isaguna warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in qabashadii degmada Wanlaweyn sahlayso in la isku furo Baydhabo iyo Muqdisho, iyadoo la ogyahay in degmada Baydhabo ay ku sugan yihiin boqolaal askarta AMISOM ka tirsan.

"Qorshuhu waa in la isku furo Muqdisho iyo Baydhabo si ay wadadaas dheer u maraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee doonaya inay Baydhabo tagaan ama ay ka yimaadaan," ayuu yiri Col. Xumud.

Degmada Wanlaweyn ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii gacanta ku haysay Al-shabaab afartii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalena waa degmadii saddexaad oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka qabsadaan Al-shabaab dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya